Mareykanka Oo Toos Ula Shaqeyn Doona Dowladda Somaliland Iyo Fashil Soo Wajahay Mw Xasan Sheekh.

0
Thursday December 08, 2022 - 12:09:57 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 2392
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mareykanka Oo Toos Ula Shaqeyn Doona Dowladda Somaliland Iyo Fashil Soo Wajahay Mw Xasan Sheekh.

    Markii ugu horreysay taariikhda ayaa toos la isugu lamaaniyay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Markii ugu horreysay taariikhda ayaa toos la isugu lamaaniyay


Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa la rajeynayaa inuu saxiixo xeer cusub oo oggolaanaya in wada shaqeyn toos ah Dowladda Mareykanka la yeelato Somaliland. Xeerkan Xeerka Difaaca Qaranka (NDAA) ee 2023 ayaa waxaa soo jeediyay Guddiyada Arrimaha Dibadda iyo Adeegyada Ciidamada Qalabka Sida ee Aqalka Senate-ka.


Qeybta 1275 ee Xeerkan ayaa dhigaya iskaashi xooggan oo Maraykan iyo Somaliland dhexmari doona. Saraakiisha Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa toos uga hawlgali doona Hargeysa, halka USAID ee Mareykanka laga dalbaday inay soo gudbiso miisaaniyad gaar u ah horumarinta Somaliland.



Markii ugu horreysay taariikhda ayaa toos la isugu lamaaniyay Dowladda Mareykanka iyo Dowladda Somaliland iyadoo Somaliland loo oggolaaday ka qeybgalka arrimaha diblomaasiyadda iyo siyaasadda, taasoo muujineysa fashilka soo wajahay siyaasadda arrimaha dibadda ee Dowladda Xasan Sheekh Maxamuud.


Wasaaradaha difaaca iyo arrimaha dibadda Mareykanka ayaa laga rabaa in ugu danbeyn bisha June 2023 ay soo gudbiyaan daraasad qiimeyn ah oo ku saabsan fursadaha iskaashiga amniga ee u dhexeeya Maraykanka iyo Somaliland.


Tani ayaa guuldarro weyn ku ah xukuumadda Xasan Sheekh Maxamuud oo iyadoo jirta wax ka yar sannad durba wajaheysa guul darrooyin waaweyn tiiyoo ay dheer tahay eedeymaha musuqmaasuqa ee hareeyay dalka.

Loading...
Loading...