Hey'adda IMF oo ku bogaadisay Dowladda Soomaaliya horumarka ay ka samaysay hannaanka dib u habeynta Maaliyadda iyo Deyn Cafinta.

0
Thursday December 08, 2022 - 11:44:00 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 488
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hey'adda IMF oo ku bogaadisay Dowladda Soomaaliya horumarka ay ka samaysay hannaanka dib u habeynta Maaliyadda iyo Deyn Cafinta.

    Guddiga Sare ee IMF waxa ay si wayn u xuseen in waxqabadka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddiga Sare ee IMF waxa ay si wayn u xuseen in waxqabadka


Hey'adda Lacagta Adduunka ee IMF ayaa soo saartay warbixinta qiimeynta barnaamijka ECF ( Extended Credit Facility) ee hannaanka dib-u-habeynta Maaliyadda Soomaaliya iyo Geedi socodka Deyn Cafinta.

Hey'adda Lacagta Adduunka ee IMF ayaa sheegtay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka gudubtay dhammaan sharuudaha loo dajiyay in lagu hormariyo hannaanka dib-u-habeynta dhaqaalaha Soomaaliya ee loo yaqaano ECF kaas oo sidoo kale ah hannaan lagu hago arrimaha Deyn Cafinta. 


Guddiga Sare ee Hey'adda IMF oo warbixintaan soo saaray ayaa ku bogaadiyay Dowladda Federaalka Soomaaliya hirgelinta dib -u -habeynta hannaanka Maaliyadda si kor loogu qaado dakhliga gudaha, waxayna soo jeediyeen in dadaal dheeri ah lagu bixiyo siyaasadda canshuuraha iyo dib - u - habeynta maamulka, oo ay ku jiraan casriyeynta kastamka iyo sharciga cusub ee canshuurta dakhliga.

Guddiga Sare ee IMF waxa ay si wayn u xuseen in waxqabadka barnaamijkane dib-u-habeynta dhaqaalaha uu ahaa mid xooggan, waxayna bogaadiyeen horumarka joogtada ah ee ay Dowladdu ka sameysay Geeddi-Socodka barnaamijka Deyn Cafinta (HIPC) ee u gogol xaaraya in la gaaro dhammaadka sanadka 2023 ee dhamaystirka Deyn cafinta.

"Wadatashigii waafaqsana Qodobka 4-aad ee u dhaxeeyay Hey'adda IMF iyo dib-u-eegistii afaraad ee Mashruuca Deyn Cafinta Soomaaliya/ ECF waxa ay muujineysaa isbeddel xoogan ee dhanka dhaqaalaha ah iyadoo ay waddanka saameeyaan xaaladaha ka dhashay isbeddelada cimilada iyo dhaqaala xummada adduunka soo wajahday" ayaa lagu yiri warbixinta ka soo baxday Guddiga Sare ee IMF.
Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Cilmi Maxamuud Nuur aya

a soo dhaweeyay warbixinta ku saabsan dib-u-eegistii afaraad ee Barnaamijka ECF ee Deyn Cafinta iyo dib-u-habeynta dhaqaalaha Soomaaliya.

"Waxa aan soo dhaweynaa Warbixinta wayn ee ka soo baxday Guddiga Sare ee Hey'adda IMF ee ku saabsan natajiida ka dhalatay shirarkii iyo wadatashiydii aan ka yeellanay dib-u-eegistii afaraad ee Barnaamijka ECF ee dib-u-habeynta hannaanka Maaliyadda dalka iyo dhamaystirka arrimaha Deyn Cafinta Soomaaliya.

Warbixinta waxa ay muujineysaa isbeddel xooggan ee dhanka dhaqaalaha ah iyadoo ay waddanka saameeyaan xaaladaha ka dhashay isbeddelada cimilada iyo dhaqaala xummada adduunka soo wajahday". Ayuu yiri Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya.

Loading...
Loading...