Facebook Oo Tallaabo Adag Qaadaysa Haddii Maraykanka Laga Ansixiyo Sharci Cusub

0
Thursday December 08, 2022 - 11:26:39 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 640
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Facebook Oo Tallaabo Adag Qaadaysa Haddii Maraykanka Laga Ansixiyo Sharci Cusub

    Shirkadda Meta ayaa sheegtay, inay doorbidayso

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Shirkadda Meta ayaa sheegtay, inay doorbidayso


Shirkadda iska leh shabakadda Facebook ee Meta Platforms Inc. ayaa sheegtay Salaasadii inay "ku khasbanaan doonto, inay dib uga fikiraan” inay gebi ahaanba shabakaddooda ka saaraan wararka kala duwan haddii golaha baarlamaanka ee Maraykanku uu meel mariyo sharci cusub oo dhigaya, in shirkadaha tignoolojiyadda ka shaqaystaa inay lacag ku bixiyaan wararka kala duwan ee lagu soo daabaco shabakadohooda, oo ay siiyaan hay’adaha warbaahinta ee iska leh wararkaas.



 

Haddii la ansixiyo xeerka tartanka iyo ilaalinta saxaafadda, wuxuu u ogolaan doonaa hay’adaha warbaahintu inay si wadajir ah ugala xaajoodaan shabakadaha isgaadhsiinta, hannanka wararkooda loogu baahinayo baraha isgaadhsiinta ee bulshada.


 

Shirkadda Meta ayaa sheegtay, inay doorbidayso "inay shabakaddeeda ka saarto dhammaan wararka kala duwan ee lagu baahiyo, halkii ay geli lahayd wada-xaajood ay dawladdu Khasab ka dhigtay inay galaan, taasoo ay u aragto shirkadda Meta, in tallaabadani ay tahay mid caddaalad darro ah oo aan tixgelinayn qiimaha iyo adeega ay shirkaddoodu u fidiso hay’adaha warbaahinta oo ay ku jirto inay kor u qaadaan tirada dadka soo booqanaya iyo weliba inay helaan macaamiil cusub” sidaas waxaa barta twitterka ku baahiyey afhayeenka shirkadda Meta Andy Stone.


 

Shirkadda Meta ayaa sannadkii hore waxay si kooban shabakadeeda uga saartay wararka ay ku baahiyaan hay’adaha warbaahintu, ka dib markii ay Australia ay soo saartay sharci cusub oo ku waajibinaya in shabakadaha isgaadhsiintu ay lacag siiyaan hay’adaha warbaahinta.


 

Senator Amy Klobuchar oo sharcigan horkacaysa ayaa sheegtay in hindise sharciyeedkani uu u ogolaanayo inay si midaysan ay hay’adaha warbaahintu uga gorgortamaan qiimaha wararkooda ay isticmaalaan shirkada waaweyn.

Loading...
Loading...