Xasan sheekh muxuu kudortay Turkiga iyo norwey?
Wadahadaladii udhexeeyay somaliland iyo Somalia Turkiga
Qoraalkii lasoodhigay boga ay kuleeyahay madaxtooyada somalia barta kukulanto bulshadu ee Facebook laba cisho kahor waxaan akhriyey inkabada shanjeer, sida hadalka loodhigay oo runtii quudhsi
kamuuqdey waxaa kamid ah wadahadalada DOWLADA FEDERALKA SOMALIA IYO somaliland oo laqoray 4 jeer taasoo lamacno ah quudhsi cadaan ah , maxaa loo odhan waayey Dowlada fedaralka Somalia iyo republic of somaliland khiyaanada weyn ee kujirtaa waxay tahay in ladoonayo in maqamka republic of somaliland ladhagigo midlamid ah kuwa mamul goboleedyada Somalia ( galmudug hirshabele putland koonfur galbeed iyo jubaland) silamid ah markii sanadkan gudihiisa uu xasan sheekh tagay magalada garoowe saxaafadu waxay goraysay madaxweynaha Somalia xasan sheekh iyo madaxweynaha putland siciid cabdulahi dani ayaa wada hadlaya.
Khiyaanada waxa kasiidaran sida habganka iyo daacadnimadu kamuuqato ee saxafiyiinta reer republic of somaliland isla hadalkii villa Somalia bulshadooda ugu soomin guurinayaan iyagoo xitaa aan tafatir kusamaynin hashu maankeyga gadee mamasaar ayey liqdey!?
Tukale oo kadaran ayaa jirtee bal taana aan sheego.
Dowladaha turkiga iyo norwey Somalia waxay kuleeyihiin galaangal badan iyo saamayn weyn waa laba dowladood oo Neto kawada tirsan hadaan kuhoreeyo dadka Norwey dastuurka Somalia ee qabyo qoraalka ah waxa lacagta ugu badan kubixiyey ilaa imikana riixaya oo raba inuu meelmaro dowladaha Itly iyo norwey, waxa kale oo dowlada norwey lasiiyey ogolanshaha celasha shidalka ee kuyaala bada inay baadho sanadkii 2018 shirkad laga leyahay dadka norwey waxay baritaan kusamaysay Hobyo ilaa kismanyo maclumadkii ay kaheshayna waxay lawadagtay dowlada Somalia.
Dowladii xasan cali kheyre waxa lagucasumay barlamanka norwey waxaana loosheegay in dowlada norwey Somalia gar iyo gardaraba garab taagan tahay. Su’aashu waxay tahay dal sidaas ugarab taagan 2 dowladood oo khilaaf dhuleed kadhexeeyo wadahadal masiiriya dhex makanoqon karaa!!!!?
Waxaan udaayey su’aashaa jawaabteeda inta ay talada iyo go’aanku kagodo.
Aynu unimaadno dalka Turkiga ,malahayga hadaan iskudayo sida hagarla’aanta ah ee uu ugarab taganyahay dalka aynu jaarka nahay ee Somalia si danihiisa uu ugafushado buugaag ayaa laga qori karaa yeelkeede aan kaxuso inta aan awoodo wixii aan katagana waxaan udaynayaa dhalinta sideyda oo kale ah ee jecel hormarka dalkooda republic of somaliland.
Saldhiga uguweyn ee dowlada Turkiga kuledahay meel kabaxsan dalkeeda waxa uu kuyaalaa dalka somalia sidookale safaarada uguweyn ee ay kuleyihiin calamka dowladaa faca weyni waxa aykadhisteen dalka somalia iyo camadiisa muqdisha iyadoo aan amaan ahayn, labada meelood ee dalka somalia kasoogalo dhaqalaha yar iyo cashuurta oo kala ah Dakada muqdisha iyo Airport muqdisha waxa gacanta kuhaya shirkado laga leyahay dalka Turkiga oo waliba sifo aan sharci ahayn kumamula waaba hadii dalka somalia sharci kajiree.
Dhismaha wadooyinka muqdisha dayactirka cusbitalada dhisida ciidamada kaladuwan ee somalia iyo xitaa schools lagadhisay gudaha muqdisha ardayda jamacadaha ee sanadwalba turkiga looqaado markaan isku geeyo waxaan odhan karaa Turkigu waa milkiilaha Somaliyada aanu doonayno inaanu ayaheena kawada hadalno sidii aanu kala ahayn 1960 kahorna aanu kala noqono, kuna darso akhristow in Turkigu yahay dal aan xoriyatul qowlku xitaa kashaqeyn kurdida dalkooda kunool cadaadiya furado waxbarasho iyo shaqana aan siinin ordagan oo kaligii taliye lagu tiriyo inuu yahay aniga aragtideyda kamasugayo inuu kanoqonayo dhex- dhexaad wadahadala dhex mara dowlada federalka Somalia iyo republic of somaliland.
Tukale oo kadaran ayaa jirtee bal taana aan sheego
Wadahadaladii udhexeeyay somaliland iyo Somalia Turkiga oo gacan bidixeynaya waxa lagu khasbay in somaliland ogolaato in hawada kadhaxaysa 2 bada dal oo markaa lagaxukumayey Nerobi hay’ad qaramada midoobay ledahay oo hawada mamushana ay gacanta kuhaysay in magaca Somalia lagusoo celiyo intaan lagaadhin 2018 kadibna ay xafiisyo lagafuro magaloyinka muqdisha iyo hargaysa dhaqalaha kasoobaxana looqayb sado somaliland iyo Somalia, arinkaa Somalia waa ogolaatay iyadoo ujeedkeedu ahaa in mar uun gacanteeda lagusooceliyo hawada somaliland iyo Somalia oo isku dhan , markii ay taahubsatay heshiiskii way kabaxdey wadahadaladiina siisocodkoodii waxay galiyeen cagajiid iyagoo ka ordaaya inay heshiiskaas kufiyaan ayaa waxay keentay mudo kudhow 7 sano in 1 mar oo kaliya Djibouti lagu wadahadlo kaasna aynu kawarhayno halkii uu kudanbeeyay.
Guntii iyo gabagabadii hadii aad shalay kudoodeen wanala khiyaanay ee majirin midnimo inqilaab caqliyeysan ayaa dalkeena somalia kuqabsatay kuburburisay 63 sano kadib markale yaanu xasan sheekh idin khiyaanin.
Aragtideyda oo kooban somaliland wadahadalada waa inay kucasuntaa Ethiopia iyo Uk oo 4 taa dowladood qeyb ka ahaadaan wadahadalada hadiise somaliland madaxdeedu aaminan Somalia iyo waxay wadato waxay waayi doonan wax aanay waligood heli doonin oo ah sharaf xoriyad iyo dhulkii awow yaashood ee daahirka ahaa
Waxaan ka cudur daranayaa hadii aan xarfaha qaar khalday madama aan si dagdag ah uqorayey.
Wabillhi towfiiq
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!
Loading...
Loading...