Mas'uul Ka Tirsan Koofur Galbeed Oo Lagu Dhex Dilay Isbitaalka Buurhakaba.

0
Thursday December 08, 2022 - 10:16:10 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 835
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mas'uul Ka Tirsan Koofur Galbeed Oo Lagu Dhex Dilay Isbitaalka Buurhakaba.

    Weerarka kadib, dableydan ayaa ku baxsatay gaari

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Weerarka kadib, dableydan ayaa ku baxsatay gaari



Kooxo hubeysan ayaa Degmada Buurhakaba ee Gobolka Baay ku dishay Iskuduwihii Wasaaradda Caafimaadka ee degmadaasi.


 

Ninka la dilay oo lagu magacaabi jiray Dr. Bishaar Ibraahim Cali (Xuub) waxaa toogashadiisa geysatay koox la sheegay iney gaari wateen, iyagoo xoog ku galay isbitaalka, waxeyna toos u abaareen xafiiskii mas’uulkan, halkaasoo ay dhowr xabadood qeybaha sare ee jirkiisa kala dhaceen.



Weerarka kadib, dableydan ayaa ku baxsatay gaari nooca raaxada ah oo ay wateen, waxaana daqiiqado kadib halkaasi gaaray ciidamadda amniga oo ku fashilmay soo qabashada danbiilayaasha.


 

Gudoomiyaha Degmada Buurhakaba, Cabdi Maxamed Axmed ayaa sheegay iney ku raad joogaan kooxdii dilka u geystay dhaqtarka oo ahaa shaqsi si weyn looga yaqaanay degmada Buurhakaba, iyadoo toogashadiisa ay argagax ku beertay dadkii shacabka ahaa.


Loading...
Loading...