Ma run baa in haweenku ay ka xanaaq dhow yihiin ragga?

0
Thursday December 08, 2022 - 10:06:47 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 722
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ma run baa in haweenku ay ka xanaaq dhow yihiin ragga?

    Dr. Lakshmi Vijayakumar oo ku takhasustay xanuunnada dhimirka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dr. Lakshmi Vijayakumar oo ku takhasustay xanuunnada dhimirka



Labo sano kahor Tahsha Renee waxay hor taagneyd jikadeeda markii ay ku dhufatay qeylo aad u dheer.

 

"Caradu waxay mar walba ii ahayd dareen igu gala si fudud ayay tiri. Balse hore ayay sidan oo kale u sameysay. Waxay dhex taagneyd musiibo aadna way u careysneyd. Waxay 20 daqiiqo ku dhammeysatay inay ku war wareegto gudaha guriga.



 

Balse qeyladii kaddib xoogaa nafis ayay dareentay.

 

Tahsha, oo ah khabiir dhanka xanuunnada maskaxda isla markaana dadka la Talisa, ayaa intaas kaddib isku keeneysay haween ku nool daafaha dunida, iyadoo kula talineysa inay ka hadlaan wax walba oo caro gelinaya kaddibna ay qeyliyaan.


 

Sida laga soo xigtay qiimeyn ay BBC-du ka sameysay xog 10 sano ay uruurisay xarunta sameysa ra'yi uruurinta ee Gallup International Poll, dumarka ayaa marba marka ka dambeysay noqonaya kuwo aad u caro badan.


 

Marka ay timaaddo dareennada taban gaar ahaan carada, murugada, isku buuqa iyo diiqadda, haweenka ayaa ah kuwa ugu badan ee mar walba dareema marka loo eego ragga.


 

Falanqeyn ay BBC-du sameysay ayaa lagu ogaaday in tan iyo sanadkii 2012 ay haween badan dareemayeen isku buuq, inkastoo ragga iyo dumarka labaduba ay ku badanayeen xaaladahan.


 

Dr. Lakshmi Vijayakumar oo ku takhasustay xanuunnada dhimirka ayaa sheegtay in sababtu ay tahay in haween badan ay saameyn ku leeyihiin dhaqamadii hore iyo hannaankii hore ee bulshada. Halka dalalka horumaray haweenka ku nool ay yihiin kuwo inta badan ka dhisan dhanka aqoonta iyo dhaqaalaha.


 

"Waxaad arkeysaa in raggu ay iska raaxeysanayaan, aadayaan maqaayadaha, ay cabayaan sigaar. Waxaadna arkeysaa haweenka oo u ordaya boosteejooyinka gawaarida iyo tareennada. Waxay ka fekerayaan wixii ay karin lahaayeen.” Ayay tiri.


Liiska 100-ka haween ee BBC ee sanad walba ayaa waxaa lagu magacaabaa 100 haween oo dunida saameyn ku reebay.


 

Sanadkan oo 10 sano ay u gashay liiskan 100-ka haween ayaa waxaa haween ku nool 15 dal la weydiiyay inay sanadkan la barbar dhigaan sanadkii 2012.


 

Ku dhowaad kala bar haweenka qiimeynta ka qeyb qaatay ee dal walba ayaa sheegay inay haatan yihiin kuwo awood leh oo go’aammada dhaqaale iyaga sameysanaya marka loo eego 10 sano kahor.

Loading...
Loading...