Ururada Siyaasada Oo Oo Aqoonsi Ka Raadinaya Komishanka Doorashooyinka Qaranka

0
Wednesday December 07, 2022 - 18:01:56 in News by Abdi Good
  • Visits: 1418
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Ururada Siyaasada Oo Oo Aqoonsi Ka Raadinaya Komishanka Doorashooyinka Qaranka

    Ururada Siyaasada Oo Oo Aqoonsi Ka Raadinaya Komishanka Doorashooyinka Qaranka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ururada Siyaasada Oo Oo Aqoonsi Ka Raadinaya Komishanka Doorashooyinka Qaranka


Ururrada Siyaasadda ee Somaliland ayaa markii labaad warqad u diray Guddida doorashooyinka Somaliland, oo wakhtigan ku mashquulsan diyaarinta hawlaha diiwaan gelinta codbixiyeyaasha doorashooyinka iyo wacyi gelinta diiwaan gelintaasi.



Ururrada Siyaasadda ee dhawaan loo gudbiyey Komishanka doorashooyinka, ayaa u muuqata kuwo ka raadinaya Guddida doorashooyinka in ay u aqoonsadaan in ay yihiin daneeyayaal ka mid ah kuwa doorashooyinka, madaama oo ay hore u jireen daneeyayaal saddexda Xisbi ah.


Komishanka doorashooyinka ayaa weli u jawaabin Ururrada siyaasadda ee danaynayaa in ay qayb ka noqdaan hawlaha ay wadaan Komishanku.


Komishanka ayaa la weriyey in ay ka cago jiidayaan la kulanka Ururrada Siyaasadda, iyaga oo iska fogaynaya in ay qayb ka noqdaan murannada dhinaca siyaasadda ee dalka ka taagan in ay qayb ka noqdaan, maadaama oo aanay jirin illaa imika doorashooyin daneyayaashu isku raacsan yihiin in la qabto, balse dhinacyadu mid walba doonayo mid uu doonayo in la soo horeysiiyo.


Komishanka doorashooyinka Somaliland, ayaan ilaa imika ka hadal doorashada Ururrada Siyaasadda, maadaama oo loo gudbiyey Liiska Ururradii soo gudbay ee doorasho sugayaasha ah.


Dhinaca kale, Komishanka doorashooyinka ayaa hore u sheegay in ay muddo sagaal bilood ah ku qaban karaan doorashada Madaxtooyada, iyada oo sagaalkii bilood laba ka mid ah tageen, tii saddexaadna lagu jiro.



 

Loading...
Loading...