Ujeedada Safar Muuse Biixi Maanta Ku Tagay Jabuuti
"jabuuti kaga qayb gelayo meherka gabadh uu dhalay Madaxwaynaha Jabuuti"
Hargeysa-(HWN)-Madaxweynaha
Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo wefti uu hoggaaminayo
ayaa safar shaqo oo maalmo kooban qaadan doona ugu baxay Dalka Jamhuuriyadda
Jabuuti.
Waxaana Madaxweynaha
Safarka ku wehelinaaya Wasiirka Arrimaha Dibeda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Dr.
Ciise Keyd Maxamuud iyo Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha, Mudane
Cabdirashiid Xaaji Ducaale Qambi.
Xogaha ay helayso
shabakada Hadhwanaagnews ayaa sheegaya in Muuse Biixi jabuuti kaga qayb gelayo
meherka gabadh uu dhalay Madaxwaynaha Jabuuti, taasi oo loo meherinayo xildhibaan
ka tirsan Baarlamaanka Somaliya
Loading...
Loading...