Imisa Qodob Ayaa Saldhig U Ah Dagaalka Ay Siyaasiyiinta Garxajis Kula Jiraan Musharax Cabdiraxmaan Cirro?

0
Wednesday December 07, 2022 - 10:08:06 in News by Abdi Good
  • Visits: 2365
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Imisa Qodob Ayaa Saldhig U Ah Dagaalka Ay Siyaasiyiinta Garxajis Kula Jiraan Musharax Cabdiraxmaan Cirro?

    Imisa Qodob Ayaa Saldhig U Ah Dagaalka Ay Siyaasiyiinta Garxajis Kula Jiraan Musharax Cabdiraxmaan Cirro?

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Imisa Qodob Ayaa Saldhig U Ah Dagaalka Ay Siyaasiyiinta Garxajis Kula Jiraan Musharax Cabdiraxmaan Cirro?
Dhawr Qodob ayaa bud-dhig u ah dagaalka aan wax iskula-hadhka lahayn ee ay Cirro ku hayaan siyaasiyiinta deegaankiisa kasoo jeeda kuwaas oo ku jiray siyaasadda , intuu ku jiray in ka badan iyagu intay ku jiray , haddana ilaa hadda aan damac ka galin halkuu ka gaadhay iyo mansabyaduu soo qabtay iyagoo haystay fursado aad uga badan kuwa uu isagu helay, waxa ay liqi'la'yihiin Siduu ku fantay figaha dalkan iyo dawladnimadan ugu sarraysa isagoo hadda u taagan bar-dhamaadka meel la gaadho oo ah Madaxweyne.


Alliance-gii uu ka koobnaa xusbigii udub wuxuu ka koobnaa saddex deegaan , Midi waxa uu haystay Madaxweynaa 8sanno, halka deegaanka kale ay haysteen ku-xigeenka ,balse waxa Cajab iyo cajaa'ib ahaa , in deegaanka saddexaad ragga ku metelayey ay iyagu qaneeco buuxda ku qabeen wasiirnimo iyo Xoghaye , iyagoo lahaa :MAXAA LOOGA GUDBAA?

Cirro markuu dalka yimi iyadoo aanay jirin magac hore oo uu siyaasadda kulahaa ,markii uu ku guulaystay Xildhibaannimadii golaha wakiilada, wuxuu uga gudbay damaca Gudoomiyaha oo ahaa awoodii saddexaad ee Dalka iyo tii ugu sarraysay ee Dawladnimada . Md.Siilaanyo oo aaminsanaa inuu cirro kasoo jeedo deegaamada Udub laga taageero wuxuu isku dayey inuu Faysal ku qanciyo inuu kasoo beddelo oo uu keensado xataa mid isaga la jifo ah balse Faysal waa ku adkaystay in cirro uu u rabo gudoomiyaa oo aanay doodi ka furnayn

Siilaanyo oo islahaa Golaha wuu kaa muxaafidin doonaa oo ilmaadeeradii ayuu la heshiin , Cirro wuxuu noqday nin qiyam leh oo aamisan mucaaridadii Kursiga lagu saaray taas oo sababtay Udub inay talaabo ka qaadi waydo golaha wakiillada ilaa heer laysla gaadhay in la qufulo.

Isla maalintaa uu Gudoomiyaha doonaayey raggii diidanaa ,ayaa ilaa maanta diidan oo leh : Annagaa cirro in aanu madaxweyne noqon hor istaagayna " waxa ay se ugu guuldarraysan doonaan siday 2005-tii ugu hungoobeen.

Bal waa iga su'aale wakhtigaa iyagu si fudud ayey u noqon karayeen Gudoomiyaha xusbiga, murashax iyo mansab kaste oo dalka ah ,haddii han jiro balse fursadaa dahabiga inay waayaan Eeddeeda waxa aan saarayaa Inangumeedkaa Hanka la yidhaa oo Odayada ka dhacay .

12sano oo golaha wakiillada ah ,Gudoomiye/murashax madaxweyne , doorashadii koowaad oo uu helay 40% , tii haddda Dalka ka dhacday oo uu ku guulaystay labadii doorashaba, intaas oo guulo ah ayuu isu-raaciyey ragg iyagu mabdi'yan aaminsan aragti ah
:WAXARA WAXARAYSIGAA LAGU DHARGAA ,SIDA WARAABAA "
Kaaga darane, waxaas oo dagaal ah ,isagu halmar xagooda ma eegayo, taas oo iyaduna ah"

May be an image of 1 person and text that says 'TAIDEN'

Loading...
Loading...