Waxyaabo Laga Aaminsan Yahay Bidaarta Oo Aan Run Ahayn

0
Wednesday December 07, 2022 - 09:17:35 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 756
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Waxyaabo Laga Aaminsan Yahay Bidaarta Oo Aan Run Ahayn

    "Marka xilligan la eego, waxaa jira ilaa saddex xal oo lagula dagaallami karo bidaarta"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Marka xilligan la eego, waxaa jira ilaa saddex xal oo lagula dagaallami karo bidaarta"



Daaweynta bidaarta ayaa ah dhibaato ay muddo qarniyo ah la daalaa dhacayeen saynisyahannada, ragga ayaana xal u raadinayay arrintan.

 

 Xitaa khabiirka caanka ah ee Giriigga u dhashay, Hippocrates, oo lagu magacaabo 'aabbaha sayniska casriga ah' maaddaama uu xilligiisii baaritaan ku sameeyay waxyaabo badan oo sayniska la xiriira, ayaa sidoo kale raadin jiray qaabab looga hortagi karo bidaarta.

 

Inkastoo aan ognahay in bidaarta ay sababaan waxyaabo badan sida hidda-sidaheenna iyo cimilada, haddana waxaa weli jira afkaar ay dadku ka qabaan waxa sababa bidaarta.

 

"Bidaartu maaha wax xun," ayuu yiri Dr. Carolyn Goh, oo ku takhasustay timaha waxna ka dhigta Jaamacadda  California, Berkeley.

 

Mar uu la hadlayay BBC Mundo, ayaa wuxuu sheegay inay jiraay saddex afkaar oo ay dadku ka aaminsan yihiin bidaarta.

1. Hooyada ayaa laga dhaxlaa bidaarta

 

Waxaa laga yaabaa inaad maqashay in hiddo-sidaha sababa bidaarta uu ka yimid hooyada, balse runtu sidaa wax ka qoto dheer tahay.

 

Sanadkii 2017, daraasad lagu daabacay joornaalka ka soo baxa Britain ee PLoS Genetics, ayaa koox saynisyahanno u dhashay Ingiriiska waxay baareen 52,000 oo rag ah oo qabay bidaarta dhaxalka.

 

Baarayaasha ayaa sheegay inay hal hiddo-side oo keliya uusan sababin bidaarta, balse inkastoo hiddo-sideyaasha ugu xooggan ee bidarata sababa ay hooyada ka yimaadaan, haddana aysan iyadu keliya shaqo ku lahayn

Si loo fahmo sababta aysan haweenku timaha uga bidin marka ay gaboobaan sida ragga, saynisyahannada ayaa sheegay in hiddo-sidayaasha sababa inay timuhu daataan ay inta badan saameeyaan ragga.

 

 'Guud ahaan haweenku dhib kuma qabaan bidaarta. Sababtuna waa haweenku inuusna ku badneyn hoormoonka testosterone sida ragga oo kale, isla markaana hoormoonka estrogen ee haweenka ku jira uu hor istaagayo bidaarta dhaxalka.'

 

2. Xirashada kofiyad amaba dhaqitaan badan ayaa keena bidaarta

 

Meeqo jeer toddobaadkii ayaad dhaqdaa tintaada? Si maalinle ah amaba saddex jeer toddobaadkii? Mar walba ma koofiyad ayaad xirataa?

 

Waxaa laga yaabaa in timaha kaa daadanaya aysan sababin dhaqitaan amaba xirashada koofiyad, balse sidaas ayaa laga yaabaainuu kuu sheegay timo-jarahaaga.

 

Looma hayo wax caddeyn ah in xirashada koofiyad ay sababto bidaar.

3.  Wax dawo ah looma hayo timaha daadanaya

 

Marka xilligan la eego, waxaa jira ilaa saddex xal oo lagula dagaallami karo bidaarta.

 

Sababta keenta bidaarta ayaa kala duwanaan karta, mana jirto xal 100% ah oo loo hayo ka hortagga bidaarta gebi ahanaba, balse qaababkaas ayaa yareeya timo daadashada. Tan micnaheedu waa in timahaagu ay dib u soo dhalan karaan.

 

Saddexdan xal ayaa kala ah:

 

Minoxidil: Waa wax kiimiko ka sameysan oo sida kareen camal ah waxaana la mariyaa madaxa. Baaritaan aan saynis ahayn oo la sameeyay ayaa sidoo kale muujinaya in cunitaanka kaniiniga minoxidil uu caawiyo dadka bidaarta la dhibban. Lamase oggolaan in kaniini ahaan loo cuno.

 

Fina Steroid: Waa daawo la cuno. Dawadan ayaa markii hore loo isticmaali jiray in lagula tacaalo xanuunnada kaadi-heysta, balse haaran waxaa lagula tacaalaa daadashada timada, marka inyar laga cuno.

 

Timo-beerashada: Hannaankan, waa tinta oo laga soo qaado madaxa meelaha timaha leh kaddibna waxaa lagu beeraa meelaha bannaan. Sanadihii la soo dhaafay, horumar ayaa laga gaaray arrintan.

 

BBC


Loading...
Loading...