Muuse Biixi Oo Qaabilay Ergo Ka Kala Socota Wadamada Norwey Iyo Turkiga & Qodobada Ay Kala Hadleen
Hargeysa-(HWN)-Madaxweynaha
Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu caawa Qasriga
Madaxtooyada ku qaabiley ergo ka kala socday dalalka Norway iyo Turkiga oo kala
ah Heidi Johansen iyo Aykut Kumbaroğlu.
Madaxwaynaha
Jamhuuriyadda ayaa waftiga uga xogwaramay hanaanka geeddi socodka Qaranka
Jamhuuriyada Somaliland halkan ku soo gaadhay, taasoo uu sheegay inay ku timid
isku-duubnida shacabka Somaliland iyo dawladooda, sababna u noqotay in indhaha
beesha caalamku ku soo jeestaan horumarka la taabankaro iyo dimu-qraadiyada ka
jirta Jamhuuriyadda Somaliland. Sidoo kale waxa uu madaxweynuhu si cad u
dul-istaagay kuna dheeraaday go’aanka Jamhuuriyadda Somaliland uga meel-yaala
wadahadaladda waxaanu yidhi madaxweynuhu "Somaliland diyaar bay u tahay
wada-hadalka laakiin wada-hadalku waa inuu noqdaa mid macno leh”.
Mawqifka Somaliland-na
waa sidan:-
1. Jamhuuriyadda
Somaliland waxa ay ku adkaysanaysaa in la helo hanaan laba dawladood iyo xal ku
dhamaada laba dawladood kala madax-bannaan, sababtoo ah waxaanu ahayn laba
dawladood oo xor ah oo iskood u midoobay 1dii july, 1960. Balse kala noqday
1991-kii, waxaana intaa dheer, Somaliland waxay 31-kii sannadood ee la soo
dhaafay ahayd dawlad madax-bannaan oo ku nool nabad iyo xasillooni. Muddadaas,
Somaliland waxay hir-gelisay wareegyo badan oo doorashooyin xor iyo xalaal ah.
Somaliland waxa ka dhacay shan (5) xilwareejin madaxweyne oo nabad ah. Saddex
ka mid ah iyaga oo loo marayo doorashooyin toos ah ayey qabsoomeen.
2. Dhammaan
heshiisyadii hore waa in la ixtiraamaa oo la hir-geliyaa si degdeg ah, tani waa
habka kaliya ee lagu dhisi karo kalsoonida.
3. Waa in uu jiraa
hannaan dhexdhexaadin ah oo caalamiya (International mediation mechanism) oo
dammaanad qaadaya fulinta natiijada ka soo baxda wada hadalka.
4. Waa inay jirtaa
xoghayn maamusha kaydinta xogta, isla markaana Xoghayntu waa inay ku si fawdo
dhex-dhexaadnimo, isla markaana ay u leedahay karti iyo xirfad hawshan.
5. Waa inuu jiraa
mabaadi'dii (principles) muhiim ah iyo xeer-dhaqan (code of conduct) oo
hanaanka wada-hadalku saldhig u noqon doono.
6. Waa in uu jiraa
Ajende cad oo qeexaya khilaafka u dhexeeya labada dhinac, si looga wada
wada-hadlo arrimaha udub-dhexaadka u ah khilaafka.
7. Wadahadalku waa inuu
ku soo gebegaboobo waqti xaddidan.
Waxaana madaxweynaha ku
wehelinaayey kulanka Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane
Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) iyo Wasiirka Arrimaha Dibeda iyo
iskaashiga Caalamiga ah Dr Ciise Maxamuud Keyd.
Dhinaca weftiguna waxay
kala ahaayeen Heidi Johansen, haakon Svane, Ole Andreas Lindeman, Harun Arslan
iyo Maxamed Cabdilaahi Cumar.
ALLAA MAHAD LEH
Naasir Yuusuf Daahir
Agaasimaha Saxaafadda
iyo Warbaahinta Madaxtooyada JSL.