Maxeey Dumarku uga oohin badanyihiin Ragga ???

0
Tuesday December 06, 2022 - 10:08:11 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 1285
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxeey Dumarku uga oohin badanyihiin Ragga ???

    Dadka culuumtan ku takhasusay wax ay leeyihiin dumarku

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dadka culuumtan ku takhasusay wax ay leeyihiin dumarku



Wax walba waxay u noqonayaan abuurka ilaahay, says oo ay tahay bini'aadamka inuu wax baadho , waxna ogaado waa qayb kamida ah dabcihiisa, markii la sameeyay cilmi_baadhis waxa la arkay in ay dabcigooda ku samaysan tahay inay qiiroodaan, kadibna ilintu ka daadato.


Waayihii hore laga soo bilaabo raggu way ugaarsi tagi jireen, dumarkuna masuuliyadda caruurta ayay hayeen arinkaan oo uu sahlay haweenayda inay akhrisan karto dhaqdhaqaaqa ilmaha iyo oohintooda iyo waxa ay rabaan, dumarku waxay leeyihiin baahi ka weyn tan ragga oo ah ku dhex jiridda bulshada ama la yeelashada xiriir nafsi ah , taasina waxay keentay inaysan hayn karin dareenkooda sidaasna ugu khasabtay in aysan karin oo celin karin ilinta.



Dadka culuumtan ku takhasusay wax ay leeyihiin dumarku waxay ku gaadhaan heerka naxariista dhexdooda oo aad u sareysa oohintu waxay kicisaa dareenka qofka biniadamaka ah waxayna asal ahaan ka timaadaa cunugga yar oo raadinaya in uu helo feejignaanta hooyadii.


Baadhitaan arintan la xidhiidha oo ķa dhacay dalka jarmalka wax uu sheegay in dumarku inta badan ilmeeyaan marka ay ku fakiraan arin murugo leh ama marka laga horkeeno xaalad ku adag in ay ka dabaalato ama waxaba ka qaban karin .


Meesha raggu inta badan ilmeeyaan marka uu badbaadin kari waayo xiriirka xaaskiisa iyo ilmihiisa ama marka uu dareemo " empathy"


Ka hor inta uusan qofka ibnuadamku gaadhin 13jir isku inbaa la ooyaa oo ragga iyo dumarku waa isku mid wixii intaa ka danbeeya dumarka ayaa oohinta ku badan .


Hadaba ma ogtahay in dumarka ay oohintu u fiicantahay oo hadii ay murugada la ooyi waydo ay caafimaadkeda wax wayn iska badalayaan lakin marka ay ooydo ay ka kala yaraanayso murugadu oo ay hiloobayso qayab ka mida murugada .


Adiga akhriste maxaad noogu dari lahayd arintan ku sahabsan oohinta Dumarka _____ !


Q/w Sawda Abdikarim

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...