Sidan u hel saaxiibo wanaagsan
1. Booqo meelaha dadku iskugu imaadaan, ee lagaga sheekaynayo wanaaga iyo khayrka. Dadka wanaagsan waxa laga helaa meelaha wanaagsan.
2. Ha noqon danayste xidhiidhiya dadka kaliya markuu danta ka leeyahay, ee xidhiidhi xili kasta, waayo dadku waxay la saaxiibaan qof xidhiidh wanaagsan.
3. Noqo qof lagu aamini karo siraha iyo waxyaabaha saaxiibadaa idin dhex-mara. Weligaa iska ilaali innaad siraha dadka aad la wadaagto cid kale, waayo waxaad luminaysaa kalsoonida qofka kula wadaagay. Haddii aad kalsoonida lumisana ha sugin innaad dib u abuurto mar labaad. Kalsooni luntay, waa maalin galbatay.
4. Iska ilaali innaad noqoto qof han-yar, sababtoo ah dadka hore u socodka lihi ma jecla innay la saaxiibaan qof hamigiisu kooban yahay. Hankaaga balaadhi, oo raadi wax ka baxsan intaad awoodo.
5. Aqoontaada iyo hal-abuurkaaga kobci, waxaad soo jiidan doontaa dadka kula midka ah.
Ugu dambayn,
innaad hesho saaxiib wanaagsan waxay ku xidhan tahay adiga heerkaaga qofnimo. Waxaan kuu rajaynayaa bilow wanaagsan insha allah.
Mohamed Faisal
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!