Sidii Loo Qaybsan Jiray Dhaqaalaha Berbera Wakhtiyadii Hore

0
Tuesday December 06, 2022 - 10:00:52 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 1399
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Sidii Loo Qaybsan Jiray Dhaqaalaha Berbera Wakhtiyadii Hore

    Xilligii dambe magaalada waxa lagu soo wareejiyay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xilligii dambe magaalada waxa lagu soo wareejiyay


1. Wixii doonyo dekadda yimaada waxa abbaan (wakiil) u ahaan jiray Nuux Ismaaciil (Sacad Muuse).


2. Wixii awr magaalada soo gasha ama ka baxaysa waxa cashuurtooda qaadan jiray Reer Wacays iyo Reer Sahal (Ciise Muuse).


3. Jilibka Makaahiil cashuurtaas wuxuu ku lahaa saami ah boqolkiiba laba iyo toban (12.5%).



4. Cid kasta oo aan reer Berbera ahayn oo magaalada imanaysa waxa lagama-maarmaan ahayd in uu qof Habar Awal ahi abbaan u noqdo.


5. Safarada miyiga ka yimaada iyo ciddii aan deegaan u ahayn Berbera, waxa ay magaalada ka bixi jireen galabtii, duleedka magaalada ayey u hoyan jireen, sababta oo ah badeecaddaha ay doonyuhu keeneen looma haynin guryo dhagaxa ah, oo lagu illaaliyo. Waxa ay yaaleen aqal-soomaaliyo kor loo dheereeyay oo loo qaabeeyay sida hangarada maanta jira oo kale.


6. Ganacsatadii shisheeyaha ee doonyaha wata waxa loo aqoonsanaa marti, inta ay Berbera joogaan cuntadooda waxa qabay reer Berbera.


7. Kolkii uu Turkigu yimid xeerarkaas waxa lagu soo kordhiyay in aan magaalada hub lala soo geli karin.


8. Xilligii dambe magaalada waxa lagu soo wareejiyay taar, waxaana loo sameeyay gaadh illaaliya.


Cali Cabdi Coomay

Suxufi, qoraa ah.

Hargaysa, Soomaalilaan

[email protected]

Tixraac: Abwaan Axmed Aw Geeddi…….Hortay Jire (2022), bogagga 42-43

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...