Maxaa Degmada mahaday Horumar la'aanta Ugu Wacan?
Beeraha mahaday: waxyaabaha ugu badan
Degmada mahaday. waxaa dhaqaaleheeda laf-dhabar u ah: labo arrimood oo kala ah: Xoolaha nool ee la dhaqodo iyo Beeraha:
Xoolaha Reer mahaday ay dhaqdaan, waxay ka mid yihiin Adduunka kuwa ugu tayada fiican, uguna tiradada badan, waxaana ka mid ah: Geela, Lo’ada iyo Ariga, waxaana laga manaaficiidsadaa, Caanaha, iyo Hilibka
Markii la isku geeyo 2da arrimood oo kala ah: Xoolaha iyo Beeraha, waxaa loo qaadan karaa in Ay mahaday noqon karin degma Sabool ah, maadaama ay haysato kheyraad dabicii ah, haddii si wanaagsan loo maareeyana ku filan bulshada Degmada.
hase ahaatee xaqiiqadu sidaas way ka fogtahay, waayo waxaa jira qoysas badan oo aan awoodi Karin in ay kasbadaan nolol maalmeedkooda caadiga ah, sababtoo ah, waxaan haba yaraatee jirin meel ay ku tiirsanyihiin oo dakhli ka soo galo.
Kadib markii, ay ii caddaatay in dhibaatadu aysan ka iman dhanka dhulka iyo dhaqaalaha, haddana, waxaa soo baxaysa su’aal ah, xagee degmada dhibaatadu uga timid oo ugu wacan saboolnimada iyo horuumar la’aanta?
Hadaba, si wax looga ogaado, halka ay cilladduhu ka jiraan, waxaan u kuur galayaa arrima la xiriira Siyaasadda iyo hab Dhaqameedka Bulshada.
Siyaasadda. Markii Siyaasad la soo qaado, waxaa ugu horeyntii madaxeena ku soo dhaceysa degma ay ka jirto maamul Degmada oo dhan ka taliya, isla markaana He’adeheedu ay si caddaalad iyo sinnaan ah ugu adeegaan xagga horuumarinta bulshada, Sidoo kalena, wax dhibaato ah aysan ka jirin xagga adeegga bulshada, sida: Nabadgalyada, Biyaha, Cuntada, Caafimaadka, Tacliinta iyo Shaqada.
Waxaan hubaal ah in, haddii lala yimaado Maskax fiyow, dadaal, daacadnimo, Ixtiraam, is tix- galin iyo isu-tanusul ay suurto gal noqoneyso in wax laga beddelo ama xal loo helo xaaladaha murugeysan ee degmada mahaday cuuryaamiyay.
W/Q Abdulkadir Ibrahim
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!
Loading...
Loading...