Milicso Balanqaadyada Fashilmay Ee Kulmiye U Sameeyey Dhalinyarada Degmoooyinka Hargeysa

0
Monday December 05, 2022 - 11:13:42 in News by Abdi Good
  • Visits: 620
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Milicso Balanqaadyada Fashilmay Ee Kulmiye U Sameeyey Dhalinyarada Degmoooyinka Hargeysa

    Milicso Balanqaadyada Fashilmay Ee Kulmiye U Sameeyey Dhalinyarada Degmoooyinka Hargeysa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Milicso Balanqaadyada Fashilmay Ee Kulmiye U Sameeyey Dhalinyarada Degmoooyinka Hargeysa
Waxay noqon kartaa sawirka 2 qof, bannaanka iyo qoraal

Dhismaha Gegida Ciyaaraha Qaranka (National Sports Complex).


Koboca miisaaniyadda W. dhalinyarada iyo ciyaaraha ee 2018 - 2022 wuxuu ahaa kaliya koboc 1 jeer ah, halka Mad. Siilaanyo kordhiyay 6 Jeer.

 Kharashaadka loo qorsheeyay dhismayaasha garoomada ee 2018 - 2022 wuxuu ahaa USD 1.9 Milyan, waa adduun aan waxba ka tarayn balanqaadkii 2017 iyo baahida dalka. Xisbiga Kulmiye wuxuu 2017 balanqaaday dhismaha gegida ciyaaraha qaranka (National Sports Complex) iyo in degmo kasta oo dalka ah laga dhisi doono garoon.

Balanqaadkaasi wuxuu ahaa mid la hirgalin karo, haddii:

1. Ahmiyad ciyaaraha la siiyo, tusaale ahaan 5tii sanno ee u danbeeyay USD 15.5 Milyan ayaa ku baxay dhismayaasha guryaha gaarka ah, madaxtooyooyinka, taallooyinka, xafiisyada iyo jeelashu. Lacagtaas waa mid dhisi karaysay gegida ciyaaraha qaranka oo inagu munaasib ah, isla markaana il dakhli noqota.

2. Ganacsatadu ay maalgaliso: si la mid ah habka DP world, ganacsatadeenu waxay samayn karaan maalgashi dhanka garoomada iyo ciyaaraha ah oo faa'iido ku jirto, ha noqoto ganacsi Real Estate, iibka ticketska, iwm.

Loading...
Loading...