Saraynta Sharcigu Waxay Noqotay Saraynta Shakhsiga Xooga Ku Fadhiya Kursiga..Xoghaye Xamse Khayre

0
Monday December 05, 2022 - 11:08:30 in News by Abdi Good
  • Visits: 794
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Saraynta Sharcigu Waxay Noqotay Saraynta Shakhsiga Xooga Ku Fadhiya Kursiga..Xoghaye Xamse Khayre

    Saraynta Sharcigu Waxay Noqotay Saraynta Shakhsiga Xooga Ku Fadhiya Kursiga..Xoghaye Xamse Khayre

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Saraynta Sharcigu Waxay Noqotay Saraynta Shakhsiga Xooga Ku Fadhiya Kursiga..Xoghaye Xamse Khayre

Waxaa gebi ahaanba burburay sarayntii sharciga waxaanay xukuumada kulmay go'aansatay iney wixii ay doonayso ee kolba madaxwaynuhu jeclaado sharci laga dhigo. Waxaa laga guuray Xeer 14/2011 oo ah xeerka lagu maamulayo furista ururada iyo siyaasada oo marka la gaadho 10-kii sanaba ay ahayd in mar la furo. Waxaa Ogolaanshaha ku meel-gaadhka ah Ururada cusub la siinayaa marka ay ay arjiga u soo gudbiyaan ee ay buuxiyaan shuruuadaha ay ka midka yihiin bixinta lacagta diiwaangelinta, liiska aasaasayaasha, barnaamij siyaasadeedka iwm. Muddada ogolaanshaashi wuxuu ku eg yahay 6 bilood.


1. Haddaba bishii Ogoosto 2022 ayaa 15 urur oo ka mid ah (21 urur baa lagu dhawaaqay) oo buuxiyay shuruudaha si waafaqsan xeer 14/2011, Qodobaddkiisa 5aad faracyadiisa 1aad, 2aad iyo 3aad la siiyay Ogolaansho Ku-meel-gaadh ah kaas oo ku dhici lahaa muddo 6 bilood oo ku beegan Febraury 2022 ama 27/12/2022 marka la qabto tartanka Ururada iyo Axsaabta ay soo baxaan Xisbiyo Cusubi.

2. Waxaa maanta haddaba la bixiyay Ogolaansho aan Xeer 14/2011 meelna kaga jirin oo labaad kaas oo loo cuskaday qodobo dastuurka ah oo aan gebi ahaanba khusayn ururada iyo furistooda. Waxaa la yaable oo kale in Ogolaanshaha dambe ee maanta la bixiyay uu daba furan yahay oo xili uu dhacayo aaay jirin madaama qodobkii 5(2) ee Xeer 14/2011 aan loo cuskan kaas oo sheegayay in 6 bilood uu ku dhacayo Ogolaanshuhu (Eeg lifaaqyada Qoraalkan la socda ee kale ah Ogolaanshii hore ee saxdaa ee la bixiyay Ogoosto, Kan dambe ee foojariga ah, Qoddobada xeer 14/2011 ee khuseeya bixinta Ogolaanshaha ku meelgaadhka ah).

3. Haddaba madaama Xeerkii Ururada ee Xeer 14/2011 la iska laabay, maxaa u diidaya Axsaabta Mucaaridka ahi iney iyaguna liisankoodii 10-ka sano ahaa ka masaxaan taariikhda dhicista liisankooda oo ay ka dhigaan mid daba furan? Maxaa diidaya sida Guurtida oo kale in Muddo xileedka Madaxwaynuhu daba furnaado (waaba siday tahay imika'e)? Yaa damaanad qaadaya iney fawdadan iyo Xeerarkan la laabay iyo ka been sheegista dastuurka iney Somaliland dal ku sii ahanayso?

4. Waxaa kale oo jirtay in hawsha Ururadu ay ka wareegtay GDUS oo ay hore ugu wareejiyeen Komishanka doorashooyinka, maxaa keena in haddana maanta ay dib ula soo noqdaan hawshii ay wareeyiyaan oo hawshii, iyo faylashii ay gudbiyaan intay dib ula soo noqdaan iney walaaqaan? Xeerkee bay kul soo noqdeen.

5. Ugu dambayntii waxaa waxan oo dhan keenaya waa xaaladda Xisbiga Kulmiye iyo Xukuumadu ay geliyeen ee ay ku fureen Ururo aan loo hayn xeer lagu maamulo, balanqaadkii ay u sameeyaan ururadaa oo imika markay 10 ku soo baxeen ku sino balaashay, doorashadda axsaabta iyo Ururada oo aanay qabin karin 27/12/2022, iyo damaca madaxwaynihii hore ee uu rabo inuu ku burburiyo dhamaan hay'adihii dimuquraadiga ahaa si uu uga dhigto Somalilansld sida dalal ku yeel geeska Afrika oo uu la dhacsan yahay.

Ma jiraan sharraxaad sawir oo la heli karo.
Waxay noqon kartaa sawirka hal qof ama dad badan
Waxay noqon kartaa sawirka qoraal
Ma jiraan sharraxaad sawir oo la heli karo.


Allaa Mahad leh,
Xamse Khayre
Xisbiga Waddani

Loading...
Loading...