Dhiiga ka Jaq ilaa ay Naftu dhaafayso

0
Monday December 05, 2022 - 10:41:17 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 1244
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dhiiga ka Jaq ilaa ay Naftu dhaafayso

    Warqaddaas ma ahan mid waqti badan iyo shaqo badan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warqaddaas ma ahan mid waqti badan iyo shaqo badan

Safaaradda Soomaaliya ee Itoobiya, is baaro aan la dhaafi Karin oo shacabka masaakiinta ah loo dhigtay!
Dhammaadkii bishii October ayey ahayd markii qoraal kasoo baxay, safaaradda Hindiya ee Nairobi lagu sheegay in la wareejiyey dal ku galkii Hindiya ee Soomaalidu ay horay uga heli jireen Nairobi. Taas oo loo wareejiyey Safaaradda Hindiya ee Itoobiya. Qoraalka safaaradda waxaa lagu xusay in loogu daneeyey shacabka Soomaaliyeed maadaama ay itoobiya ku geli karaan si fudud, dal ku galka itoobiyana Laga qaadan karo garoonka (on arrival).


Intaas kadib boqolaal qof oo Soomaali ah oo muddo sugayey dalku galka Hindiya (Caafimaad & ardaynimo labadaba) ayaa ducoments-koodii ula soo wareegey Addis Ababa. Laakiin nasiib darro caqabad iyo teed adag oo aan la dhaafi karin ayaa waxaa ku noqotay safaaradda Soomaaliya ee Addis, taas oo qof walbaa uga baahan yahay hal warqad (note verbale).

Warqaddaas ma ahan mid waqti badan iyo shaqo badan uga baahan masuuliyiinta safaaradda iyo shaqaalohoodaba, ee waa foom diyaarsan kaas oo laga bedelayo oo keli ah qofka magaciisa iyo xogtiisa gaarka ah, qofka kalena lagu bedelayo.

Halkaas markey joogto! masuuliyiinta safaaradda oo uu ugu horreeyo ku simaha safiirka,ahna qunsulka guud ee safaaraddaas mudane Cali Hussein (Ali Atam) ayaa ka dhex arkay fursad laga macaashi karo, oo dhaqaale badan laga samayn karo. Tallaabadii kowaad oo ay qaadaanba waxay noqotay in ay furtaan wakiillo (agencies) ay dadka lacag dheeri ah kaga qaadan taas oo loo dirayo qofka si uu uga samayto warqadaha kale ee laga rabo, macaa haddii ay kuu dhammaystiran yihiin warqaduhu oo ay saxan yihiin looma baahna kuwaas aad wadatid, ee waa inaad wakiil-kooda ka samaystaaa.

Intaas waxaa kuu sii dheer lacagta warqaddaas lagu qaato qofkii waa $50 ( hadde ogow markii hore warqaddaas 300 oo bir oo ah lacag $3 u dhiganta ayaa lagu heli jirey, iyo adiga oo Isla markaasba heli jirey). Hadda waxaas la isla soo dhaaf oo suuq kale bay sii fureen oo ah in qofka Isla maalintaas u baahan warqaddaasi uu bixsho $50 kale oo dheeri ah. Haddii aad lacagtaas bixiso kuwa 20 beri Kahor la ballanshey baa Lagaa hormarin.

Tusaale ahaan: Warqadaha laga rabo qofka waxaa ka mid ah tan caddaynaysa denbi la-aanta qofka, oo xarumaha denbi baarista dalka laga qorto (CID letter). Warqaddaas magaalada rabto,iyo gobolkaa rabto, iyo maamulkaa rabto ka wadoo looma baahna. Waa inaad suuqa madow waliba wakiillada ay leeyihiin nimankaas kasoo samaysataa, oo waliba aad bixisaa $50 halkii warqad.

Aniga oo ka mid ahaa dadkaas raba dalku galka Hindiya waxaan watey warqadda CID Puntland ee Garowe laga qaato, waxaan usheegay ku simaha safiirka naftiisa inay warqaddaani tahay mid saxan waliba la hubin karo Laguna eegi karo (QR code). Laakiin mudanuhu wuxuu ku jawaabey, Waxaas adaa lagu dhahaaye lanbarkaas wac oo kasoo qaado warqadda haddaad shaqo rabto ku lahaa! waliba ka xishoon maayoo, xafiiska lagu shaqaynayo dariishaddiisa ayey ku dhejisan tahay warqad tusaalaha ah iyo lanbarka wakiil-kaba.

Dadka kala soocidi ma jidho, waxa keli ah ee lagu kala saarayo, waa qofkii la garanayo iyo kii lacag badan haysta. Marna il naxariiseed lagu eegi maayo dadka xaaladaha deg-degga ah qaba (emergency issue) waxaad arkin qof bareelle lagu wado oo tabcaan ah oo cisbitaal laga soo qaaday si warqaddaas loogu helo oo aan wax tixglin ah helin. Waxaad arkaysaa aabe/hooyo waayeel ah, mid naafo ah oo isaga/iyada iyo qofkii la socdayba ay quus taagan yihiin, oo dayrka safaaradda iska fadhiya.

Adigu sidaad rabtid iyo waqtigaad rabto kaga heloo, markaad warqaddaas hesho oo aad ugudubto safaaradda Hindida iyagu xoogaa waa dad nidaamsan dadka fayl baa la gelin,liis baa lagu qorin sida ay usoo kala horreeyeenna waa loogu shaqayn, iyada oo aysan jirin is daba marin, qofkuna Fiisaha wuxuu ku helin maalin ama labo.

Xalku muxuu yahay?

Saddex qodob waan ku talin lahaa:-

1. Waxaan kula talin madaxda sare ee dalka in degdeg safiir cusub loogu magacaabo safaaraddaas.

2. Waxaan ku talin in lala xisaabtamo masuuliyiinta hadda joogta safaaraddaas.

3. Waxaan soo jeedin in dalka la keeno safaaradda Hindiya, waliba maamulada la geeyo qunsuliyado, si dadka loogu fududeeyo inay helaan dalku galka Hindiya. Waliba maamulka fursaddaas hela oo ka faa'iidaysta il dhaqaale oo aan xad lahayn buu ka heli doonaan. 2019 ayaa Puntland Laga furay, xilli muddo lagu liibaaney baa haddana gadaal Laga xiray.

Q. Sulaiman B. Isse

May be an image of 15 people, people walking, people standing and outdoors
May be an image of 1 person and outdoors
May be an image of text that says
No photo description available.
May be an image of 2 people and indoor

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...