Ex. Wasiir Seed Oo Ka Cudurdaartay Xubno Muuse Magacaabay Oo Uu Ku Daray

0
Monday December 05, 2022 - 08:59:40 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 2110
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ex. Wasiir Seed Oo Ka Cudurdaartay Xubno Muuse Magacaabay Oo Uu Ku Daray

    "Siyaasi Seed ayaa xogaha aanu helnay ay sheegayaan in aanu ka qeyb gelin 6 shir"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Siyaasi Seed ayaa xogaha aanu helnay ay sheegayaan in aanu ka qeyb gelin 6 shir"

 



 

Hargaysay (HWN) Warar xogaal ah oo ay warbaahintu  heshay waxaa ay sheegayaan in  Siyaasi Axmed Muumin Seed uu cadho kaga maqan yahay xisbigii uu tacabka Badan galiyey ee KULMIYE   Wakhtigii Musharax nimada madaxweyne Muuse Biixi .

 

Siyaasi Seed ayaa xogaha aanu helnay ay sheegayaan in aanu ka qeyb gelin 6 shir oo guddida fulinta ee xisbiga Kulmiye iskugu timid dhawrkii bilood ee ugu danbeeyey .

 

Siyaasigan ayaa sidoo kale waxaa uu ka cudur daartey inuu ka mid noqdo 8 xubnood oo Madaxweyne Muuse Biixi  u magacaabey inay kormeer ku tagaan gobalada dalka  , si ay u soo qiimeeyaan  Mustaqbalka Kulmiye .

 

Xogaha ayaa intaas ku daraya in Axmed Muumin Seed uu  dhawaan safar  ugu bixi doono Deeganada uu ka soo jeedo ee Gobalka Awdal , kaas oo u kala soo tashan doono mustaqbalkiisa siyaasadeed iyo halka uu jiheysan doono xiligan adag ee lagu jiro kala guurka siyaasadeed

 

Ila hada lama oga halka uu saldhigan doono siyaasigan reer Awadal oo  hore uga mid ahaa Aas aasayaasha xisbiga WADDANI


Loading...
Loading...