Masuul Ka Tirsan KULMIYE Oo Maayar Mooge Usoo Jeediyay In Uu Barakicinta Ka Daayo Shacabka

0
Monday December 05, 2022 - 08:50:28 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 831
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Masuul Ka Tirsan KULMIYE Oo Maayar Mooge Usoo Jeediyay In Uu Barakicinta Ka Daayo Shacabka

    "Marka bulsho cagaaran oo lugo adag ku taagan la helo ayaa magaalo cagaaran raadinteedu"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Marka bulsho cagaaran oo lugo adag ku taagan la helo ayaa magaalo cagaaran raadinteedu"

 



Hargaysa (HWN) Madaxa abaabulka iyo wacyi-gellinta Degmadda M/haybe Ee Xisbiga Kulmiye Shaafici Maxamuud Cige ayaa usoo jeediyay Maayarka Degmada Hargaysa Cabdikariin Axmed Mooge in aanu shacabka Barkicin.



Shaafici oo ka hadlaya dhul Dhawan maayarku uu ku wargeliyay dad danyar ah oo ku shaqaysan jiray inay ka guuraan, si dhulkaasi loogu xidho deyr oo looga dhigo meel quruxbadan oo ku taala Caasimada ayuu qoraal uu baahiyay shaafici ku yidhi sidan:-

 

"Inaga oo og xaalada nololeed ee bulshadda magaaladda hargeysa ku nool inay tahay mid aad u liidata , danyartii magaaladuna u baahan tahay gargaar degdega,

Ayaa arintaa bedelkeeda maayar mooge bilaabay barakicinta muwaadiniin reer Hargeysa ah oo maalin dagaalka ka raadsan jiray galbeedka dhakhtarka weyn ee magaalada Hargeysa.

 

Waxaanan leeyahay masuul in laba geed oo manfac lahayn aad qoys dhan u masaariif tirtaa muhiim maaha , dadka iyo dhirtana , dadkaa weyn oo ay tahay in noloshooda lala tacaalo.

 

Marka bulsho cagaaran oo lugo adag ku taagan la helo ayaa magaalo cagaaran raadinteedu qurux badan tahay.

 

Guntii iyo gunaanadkii waxaan ku leeyahay dhammaanba maayaradii kala duwanaa ee magaalada soo maray may garan waayin ku tumashadan danyarta aad ku bilowday ee waxa ay fahamsanaayeen qiimaha bulshadda iyo nolosha dhabta ah ee bulshadda ku dhaqan caasimadda.

 

Markaa maayar adigu ma tihid maayarkii London ee waxaad maayarkii hargeysa  oo dadka inta wax haysta iyo danyarta ahi danyartu badan tahay mudan tahayna in hab nololeedkooda loo tix geliyo hadii aan ugu yaraan waxba aanad tarahayn halkooda uun hakaga nabad helaan , wabilahi tawfiiq " .

W/q :- Shaafici Maxamuud Cige

Madaxa abaabulka iyo wacyi-gellinta Degmadda M/haybe Ee Xisbiga Kulmiye .

Loading...
Loading...