Jabhada Tigreega Oo Ka Baxday Furumaha Dagaalka Iyo Sababta

0
Monday December 05, 2022 - 08:36:03 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 807
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Jabhada Tigreega Oo Ka Baxday Furumaha Dagaalka Iyo Sababta

    "Maalmihii la soo dhaafay shaqaalaha gargaarka ayaa sheegay in ciidamada Eritrea"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Maalmihii la soo dhaafay shaqaalaha gargaarka ayaa sheegay in ciidamada Eritrea"



Madaxa ciidamada fallaagada Tigrayga ee waqooyiga Itoobiya ayaa sheegay in boqolkiiba lixdan iyo shan ka mid ah dagaalyahannadooda ay ka baxeen furimaha dagaalka.

 

Arintaan ayaa ku soo beegmaysa bil kadib markii heshiis xabad joojin ah ay la saxiixdeen dowlada.

 

Tadesse Werede, oo ah madaxa guud ee ciidamada Tigreega ayaa sheegay in ay u dhaqaaqeen goobo cayiman. Inkastoo ay saxiixeen heshiis hub ka dhigis ah, Jabhadda Xoreynta Tigrayga ayaa sheegtay inaysan ka tanaasuli doonin hubkeeda haddii aysan ciidamada Eritrea iyo kuwa ka socda gobollada deriska la ah Itoobiya aysan ka bixin Tigrayga.

 

Maalmihii la soo dhaafay shaqaalaha gargaarka ayaa sheegay in ciidamada Eritrea iyo maleeshiyaadka xulafada la ah ay sii wadeen dilalka iyo tacadiyada dadka rayidka ah ee Tigrayga.

 

BBC


Loading...
Loading...