Weligaa Qof Dumar Ah Ha Weydiin Su'aalahan!
Waxaad hor taagan tahay
qof dumar ah laga yaabee inay tahay qaraabo, ama inaad markaasi is aragtan
waxaa laga yaabaa inaad dooneyso inaad su'aal weydiiso.
Ka hor inta uusan
hadalka afkaaga ka soo bixin is weydii, su'aashani ma tahay su'aal wanaagsan,
mise su'aal dhibaato ku keeni kara.
Halkan waxaa ah 10
su'aalood oo ah inaadan waligaa qof dumar ah weydiin, xaalad kasta oo la taagan
yahay.
Imisa jir ayaa tahay?
Tani dhab ahaantii ma
aha su'aal xun in la weydiiyo haweeney u muuqata inay da'deedu ka hooseyso
25-27,oo ay weli u muuqato qof yar
Laakiin haddii aad
waydiiso su'aashan qof dumar ah oo da'diisu ka weyntahay 30-40 jir ah, waxa
laga yaabaa in aad halis u gasho inay xumaan dareento ama niyad jab.
Uur miyaad leedahay ama
ma yeelatay?
Tani ma sahalano,
sababtoo ah haddii aysan uur lahayn, waxaad si maldahan u leedahay calool ayaad
leedahay ama waad cayilantahay.
Mararka waxaa dhici
karta in qofka aad weydiineyso su'aashaasi uuba raadinayo uur oo xitaa waxaa
dhici karta in habeenkii oo dhanba ay ku fakareysay arrintaasi balse
su'aashaada ayaa laga yaabaa inay dhibaato kale u keento.
Habkee ugu fiican ee
loo maareeyaa? Kaliya la sheekeyso oo waxba ha weydiin iyada ayaaba laga yaabaa
inay kuuu sheegto haddii ay uur leedahay.
Haddii ay xaaskaaga
tahayna si kale ayaad u weydiin kartaa oo waxaad uga sheekeyn kartaa arrimaha
ku saabsan caruurta.
Lacag amaah ah ma isiin
kartaa?
Ragga inta badan
dumarka waxba kama qaataan oo waxay la qabsadeen in iyaga wax la siiyo ama
ragga ay weydiistaan.
Waxaa caam ah in
dumarka ay raadiyaan qof iyaga wax siiya ee ma rabaan qof iyaga wax ka doonaya.
Misaankaagu waa imisaa
Dumarka inta badan ma
jeclo in su'aashaan la weydiiyo haddii uu misaankeedu badan yahay iyo haddii uu
yaryahayba waxaana laga yabaa in niyad jab ay ka qaaddo su'aashii aad
weydiisay, qaarkoodna waxaaba laga yaabaa inaysan ka run sheegin xitaa haddii
ay kuu sheegto.
Tan kale maba jirto
sabab weyn oo ay ragga su'aashaas u weydiiyaan.
Ma i jeceshahay?
Su'aashaan waxaa laga
yabaa in xaaladda adkeyso oo waxaa laga yabaa inay ku tiraahdo 'Maya' iyadoo
weliba og inay ku jeceshahay oo sidaasi ku dhamaado xiriirkii jacayl ee idinka
dhaxeeyay. Sidoo kale waxaad u muuqaneysa qof qiimihisu hooseeyo oo quus
taagan.
Gabadhu aad xiriirka
leedihiin amaba xaaskaaga ah waad garan kartaa inay ku jeceshahay iyo inkale
marka su'aal umaba baahna.
Maxaad weli keli u
tahay amaba aadan u guursan?
Su'aashaan waa mid
khaldan sababtoo ma ogid sababta ay u guursan weyday, waxaaba macquul inayba
cillado dhanka caafimaadka ah iska jiraan amaba aysan haysan qof ay guursato
sidaa darteed waxaa laga yaabaa in su'aashaas ay uur ku taallo ku noqoto oo ay
niyad jab ka qaaddo.
Waligaa ha waydiin inay
bixiso cashada?
Haddii aad casho ku
casuunto, ha ka filin inay lacag bixiso. Haddii ay iyada garato oo ay bixiso
waa caadi oo adiga ayay ku xiran tahay in aad aqbasho iyo inaad diiiddo.
Laakin, adiga ha waydiin in ay bixiso. Noqo qof akhyaar ah oo wax garad ah oo
garta inuu qaata mas'uuliyadda waxyaabahaasi yaryar.
BBC