Farqiga Udhaxeeya Taliye Nuux Baasto Iyo Taliye Dabagale.

0
Sunday December 04, 2022 - 15:52:09 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 1172
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Farqiga Udhaxeeya Taliye Nuux Baasto Iyo Taliye Dabagale.

    Inkastoo Reer Awdal Aanay Ku Talagelin Inay Arday Ka Aargoostan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Inkastoo Reer Awdal Aanay Ku Talagelin Inay Arday Ka Aargoostan




Ina Biixi Wakhtigii Rayaale Ee Uu Jidgooyada Dhigtay Gabiley Ee Uu 4 Nin Ree Reer Ku Qalay Gabiley Iyo Kalabaydh Dhexdooda.Taliyihii Ciidanka Nuur Baasto Ayaa Hawsha La Fuliyey Ina Biixi Oo Keenay Dhagar Qabayaashii Dilka Fuliyey Sida Cawar Xared ,Quful,Qaraf Iwm .



Nuux Baasto Waa Kii Ciidanka Duldhigay Borama Oo Geeriyeysan Ee Ku Soo Rogay Bandow,Maydkiina Magaalada Ku Soo Daadiyey Ka Dibna Ardaydii Beeshooda Ee Dhiganaysay Jaamacadda Camuud Kaxaystay Si Aan Looga Aargosan.


Inkastoo Reer Awdal Aanay Ku Talagelin Inay Arday Ka Aargoostan Balse Madaxweyne Rayaale Ay Ka Codsadeen In Maxkamad Keeno Dhagar Qabayashii Taso Aan Suurta Galin.


Nuux Baasto Amarkii Madaxweyne Rayaale Wuu Diiday Wuxu Amarka Toos Uga Qaadanayey Ina Biixi Oo Hogaminayey Mucaaridkii Madaxweyne Rayaale.Wuxu Sidaa U Yeelay Waa Qabyaalad Iyo Dawladii Rayaale In La Rido Waan A La Riday.


Taliye Dabagale Bal Aan Isna Eegno Sida Uu Mucaaridka Ula Dhaqmay Isagoo Fulinayey Amaradii Ina Biixi.

Taliye Dabagale Isagoo Fulinaya Amarkii Ina Biixi Wuxu Tolkiisa Ka Dilay 7 Dhalinyaro Ah,WuxunaDhawaacay Boqolaal Kale Oo Tolkiis Ah Oo Tageerayey Xisbiyada Mucaaridka.


Wuxu Jeelasha Somaliland Ka Buuxiyey Dhalinyaro Garxajis Ah Oo Isugu Jira Gabdho Iyo Rag Oo Aan Gelin Wax Dambi Ah.Dabagale Isagoo Fulinaya Amarka Ina Biixi Ayuu Jeelasha Dhigay


Siyaasiyiin,Waxgarad Iyo Madax Dhaqameedkii Garxajis Ugu Mudnaa Sida Suldaan Caddo Gude Iwm.

Haddaba Waxa Is WeydiinLeh Waxa Qaranimada Iyo Dawladnimada Nuux Baasto U Ilaalinwaayey Ee Uu Ka Doortay Qabyaladda Wakhtigii Madaxweyne Rayaale?


Waxa Kale Oo Iyadna Isweydiin Leh Waxa Taliye Dabagale Dawladnimada Uu Tolkiis Kaliya Loogu Adeegsado Ee Loogu Gumaado?


Waxan Rajaynayaa In Somaliland Ama Dawladnimada In La Wada Ilaashado Ama Qabyaaladda La Wada Ilaashado.


Taliye Nuux Iyo Taliye Dabagale Iyo Bixi Waxa Ay Tusaale Inooga Yihiin Halka Ay Qabyaalddu Iyo Xumaantu Biyo Dhigatay Bari Iyo Galbeed.Waxana U. Dhaxeeya Labada Taliye Farqi Weyn Oo Wax Lagu Qaato Mustqbalka.


W/Q/ Mohamed Dirane


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...