Arrimihii Keenay Degitaankii Berbera ee Beesha Nuux Ismaaciil

0
Sunday December 04, 2022 - 10:38:11 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 2540
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Arrimihii Keenay Degitaankii Berbera ee Beesha Nuux Ismaaciil

    Berberi nolol ahaan iyo dhaqaale ahaanba way ka sarraysay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Berberi nolol ahaan iyo dhaqaale ahaanba way ka sarraysay



Nin la odhan jiray Abokor Cali Nuux oo ay ilmaadeer ahaayeen Gadiid, Shirdoon iyo Xoosh, Axmed Nuuxna adeer u ahaa oo dhammaantood berigaasi noolaa, ahna awoowyaasha ay ku abtirsadaan jilibbada Nuux Ismaaciil, ayaa wuxuu la baxsaday gabadh u doonnanayd nin kale. dabadeed waxa lagu yidhi orda oo gabadhii doonaa oo ninkii ka soo celiya. 



Dabadeed Axmed Nuux, Gadiid, Xoosh iyo Shirdoon afartoodaasi ayaa is-raacay. Marka ay Berbera marayaan ayey arkeen meel cajiib ah oo dad Carab ah oo kalluumaysato ahi deggan yihiin. may noqone halkii ayey dadkii la degeen, reerahoodiina way soo rareen.


Halkaasi ayey dabadeedna ku tarmeen. Markii dambena iyagaa meeshii la wareegay oo dadkii maamulay. Sida abuurka dadku u yaallo, qof kastaa wuxuu baadigoob ugu jiraa sidii uu u heli lahaa nolol ka fiican ta uu markaa ku jiro. Waxaanu ku raad joogaa baadigoobka nolosha uu raadsanayo. 


Berberi nolol ahaan iyo dhaqaale ahaanba way ka sarraysay nolosha dhulka miyiga taallay. Sidaasi awgeedna, waxa la yaab lahayd afartaa nin ee loo soo diray soo celinta gabadhu—waa Gadiid, Shirdoon, Xoosh iyo Axmed e, inay Berbera ku illoobaan ujeeddo kasta oo ay u socdeen, una hawlgalaan inay saami ku yeeshaan noloshii ka siraadnayd magaaladda Berbera.


Cali Cabdi Coomay

Suxufi, qoraa ah.

Hargaysa, Soomaalilaan

[email protected]

Tixraac: Abwaan Axmed Aw Geeddi…..Hortay Jire (2022)..bogga.29.


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...