Gud. Urur Siyaasadeedka OGAAL Oo Beenisay Warar Laga Baahiyay

0
Sunday December 04, 2022 - 09:31:20 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1854
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gud. Urur Siyaasadeedka OGAAL Oo Beenisay Warar Laga Baahiyay

    "Ururada Qaar Aqalka Dalka u Sareeya Laga Dhisayay Oo u Ahayd Buur ay Ku Tiirsanaayeen"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Ururada Qaar Aqalka Dalka u Sareeya Laga Dhisayay Oo u Ahayd Buur ay Ku Tiirsanaayeen"


 

Hargeysa(HWN): Gudoomiyaha Urur Siyaasadeedka OGAAL Marwo Rooda Cabdi Muuse ayaa beenisey warar laysla dhex marayey beryahan dambe oo sheegayey iney isku biirayaan Ogaal iyo Urur kale kadibna iyaga oo ku mideysan hal Urur ka qayb geli doonaan tartanka Doorashada Ururada Siyaasada Somaliland, kaas oo ay ka soo bixi doonaan Sadexda Xisbi qaran.



Marwo Rooda Cabdi Muuse waxay sheegtey iney ka shaqeyn doonto sidii ay dalka uga dhici lahayd Doorasho cadaalad ah oo aan noogu dhicin ayey tidhi; "Kana riix Kana reeb iyo xisbiyo cid aan mudneyn loo hadiyadeeyo".


Gudoomiyaha Ururka OGAAL Marwo Rooda waxa kale oo ay tilmaantey iney jiraan qaar ka mida tobonka Urur oo laga dhisayo dhinaca Aqalka Madaxtooyada Somaliland iyo kuwo kale oo iyaguna ku tiirsan dhaqaale beelahoodu ku kabayaan, iyada oo arrimahaas faahfaahinaysana waxay hadalkeeda ku bilowdey sidan;

OGAAL wuxuu u tartami doonaa Xisbinimo,


Uruurka Ogaal Uruurna kuma biiri doono, waayo waxaan aaminsanahay nin aan ka dal, deegaan iyo dad badanahay ma jirayso sabab aan guul aaanu u simanahay ugu hadyadeeyo, hadii aan laba kun oo qof helaayo iyo hadii aan laba milyan qof helayo  waxaan ku tartami doonaa dadkayga, Tuulo, Degmo iyo Gobol kasta reer Somaliland joogan.


Arinta labaad hadii Uruuradda qaar aqalka dalka u sareeya laga dhisayay oo ay buur ku tiirasanayeen kalsoonida ku shana loo sii barkinayay, qaar kalena dhaqalaha beelahoodu ku kabayeen, Anigga Rooda ahaan Ogaal soo imatinkeedu dhaqaale waa sahale, naf hur bay igu ahayd iyo hagardaamo dad, waxan odhankaraa gusha Ogaal naf iyo nafyaal ayaan u huray, sidaa awgeed wax qof yar ama dad iska odhan karaan yaa ku tartamaaya, yaa ku biiraysaan, hebel ku biira iyo hadalo jaban, arintaa cida hanka iyo himilada Ogaal ku hanjabisa Maxkamad ayay ku mutaysan doonaan.


Haddii waqtiga,dadkayga iyo cadaaladi iga hiiliso ayaan cid ku biiri doona, cidaas oo aha cida aan danta umadaydda iyo danyartay ka dhex arko.


Laga bilaabo maanta waxaan juhdi ku bixin doonaa doorasho cadaalad ah sidii ay dalka uga dhici lahayd, meel kasta oo ay ila galayso, oo aanay noogi dhicin kana riix kana reeb iyo Xisbiyo cid aan mudnayn loo hadyadeeyo."

Loading...
Loading...