Gudida Ladagaalanka HIV/AIDS Ee Somaliland Oo Tabobar Wacyi Galin Ah Ku Qabtay Berbera.

0
Saturday June 15, 2019 - 09:40:15 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1167
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gudida Ladagaalanka HIV/AIDS Ee Somaliland Oo Tabobar Wacyi Galin Ah Ku Qabtay Berbera.

    Komshinka qaranka ee xakamaynta HIV/AIDS.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Komshinka qaranka ee xakamaynta HIV/AIDS. Ayaan  tababar ku qabtay  magaaladda berbera, kaas oo ku saabsan  joojinta iyo cidhibtirka  takoor lagu hayo dadka la nool xannuunka HIV/AIDS KA.

 

Ugu horey waxa ka hadlay agaasimaha fulinta  komishanka  Qaranka ee xakameynta  HIV/AIDS KA Soomaaliland, mudane Naasir  Ayjeex Jaamac  iyo  agaasimaha tababaradda iyo horumarinta shaqaalaha komishanka  mudane maxamed  Jaamac  Siciid.



Agaasimaha fulinta Naasir  Ayjeex   Komishinka qaranka ee xakamaynta HIV/AIDS,  ayaa  si faah faahsan u qeexay in  xanuunkani aan lagu kala qaadin si fudud  laakiin lagu kala qaado galmada, irbadah oo lagu mudo qof qaba hadna qof kal lagu mudo iyo ,sakiinada timaha lagu xiiro oo qof qaba lagu xiiray   ayuu yidhi oo taxadir badan ayaa laga samyn karaa ayuu yidhi agasime nasir ayjeex jaamac

 

Intii siminaarkani socday  ayaa ka qaybgalayashu su,aalo badan waydiiyeen madaxdii tabobarkan bixinayasay waxaana  muuqatay in aay siwayn uga faa,iidaysteen macluumadkii loo gudbiyay oo ku salaysnaa labo qodob oo kala ah  in aan la takooorin qofka xanuunkan qaba iyo in aan si sahlan loo kala qaadin, ka soo qaybgalayaasha  ayaa ku qancay sida muuqatay ee ay su,aalaha badan u waydiiyeen macalimiintii iyo saraakishi waday siminarkan.

 

Dabcana waxaa si toosa  tabobarkan  saacadihii uu socday maanta  macalimiin ka ahaa oo Bixinayay  Axmed Cisman Ibraahin iyo Isuduwaha Komishinka HIV iyo AIDS,ka ee Gobolka Saaxil kayse Mahad cabdi

 

Oo si hagar laan ah oo faahfaahsan  ku bixiyay casharadii tabarka  ahaa ee ku saabsanaa  ilaalinta qofka la nool xanuunka HIV iyo  AIDS,ka iyo in si cadi ah loola noolaado maadaama  aan si sahlan looga qaaday xanuunkan,

Tabobarkan oo Socon Doona Mudo Afar maalmood ah oo ay si wada jira uwadaan  komishinka la dagaalanka HIV iyo AIDS ,hayda UNFPA Tabarka  oo Bulshada faa iido wayn uu leh  oo Lagu qabtay  Berbera

 

Hadhwanaagnews

Loading...
Loading...