Xukuumada Oo Ka Gaabisay In Miisaaniyada Guryo Looga Dhiso Shaqaalaha Iyo Ciidamada
Xukuumada Oo Ka Gaabisay In Miisaaniyada Guryo Looga Dhiso Shaqaalaha Iyo Ciidamada
Guryaynta Shaqaalaha Dawladda iyo Ciidamada:
Haddii 4% - 5% miisaaniyadda loo qorsheeyo guryaynta ciidanka iyo shaqaalaha dawladda waxa la dhisi karaa 1,000 guri sannad kasta. Lacagtaas waynu haynaa waana la heli karaa, tusaale ahaan:
- Kharashka shaqaalaha dawladdu wuxuu kordhay 100% intii u dhaxaysay 2018 - 2022, waa korodh dhan USD 77 Milyan oo aan ahayn mushahar kordhin loo sameeyay shaqaalihii joogay ee ka yimi shaqaale kordhay. 50% lacagtaa ka mid ahi waxay guryo u dhisi kari lahayd 2000 oo shaqaale ama askari.
- Mashaariicda aan baahida loo qabin, tusaale ahaan kharashka ku baxay dhismayaasha madaxtooyo iyo madaxafyo waa USD 5 Milyan, waa lacag guryo u dhisi kari lahayd 250 - 300 oo shaqaale ama askar.
![]() |
Loading...
Loading...