Gaboose Oo Sheegay In Ururkiisa La Gudoonsiiyay Shahaadada Ururnimada, Lana Xuquuqyahay Xisbiyada Jira.

0
Saturday December 03, 2022 - 12:24:25 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 804
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gaboose Oo Sheegay In Ururkiisa La Gudoonsiiyay Shahaadada Ururnimada, Lana Xuquuqyahay Xisbiyada Jira.

    "Shahadadani waxa Ururadda loo siiyay in ay u gudbeen marxalad sharciyan siinaysa xuquuq"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Shahadadani waxa Ururadda loo siiyay in ay u gudbeen marxalad sharciyan siinaysa xuquuq"



Hargaysa (HWN) Gudoomiyaha Urur Siyaasadeedka Barwaaqo Dr. Gaboose ayaa sheegay in ururkiisa la gudoonsiiyay Maanta shahaadada ururnimo, sidaa daraadeedna uu la xuquuq yahay sadexda xisbi qaran ee Somaliland kajira.

 

Gudoomiye Gaboose ayaa sidaasi ku sheegay qoraalkan hoose oo uu baahiyay

 

"Maanta oo ay taariikhdu tahay 03-12-2022 waxa aanu si rasmi ah u gudoomay shahaadada Urur Siyaasadeedka BARWAAQO  . Shahadadani waxa Ururadda loo siiyay in ay u gudbeen marxalad sharciyan siinaysa xuquuq dhamaystiran oo u dhiganta tan ay xisbiyadu haystaan,sida soo xulista hadii xubin ka banaanato KDQ maanta kadib, Iyo in ay yihiin saamilayda Siyaasada ee dalka oo ay waajib ku tahay cidkasta in ay ula dhaqmaan sida xisbiyada ku meel gaadhka ah .#GuulBarwaaqo

DAL MID AH

DAD MID AH”


Loading...
Loading...