Madaxwaynaha Kenya Oo Shaqo-Joojin Ku Sameeyay 4 Ka Mid Ah Guddiga Doorashada & Raila Odinga Oo Ka Horyimid
Madaxweynaha Kenya
William Ruto ayaa shaqada ka joojiyay afar ka mid ah guddiga doorashada oo
diiday in ay taageeraan guushii uu ka gaaray doorashadii bishii August ka
dhacday dalkaasi, sida ay madaxtooyadu sheegtay Jimcihii, wuxuuna sameeyay
guddi baaritaan ku sameeya haddii ay habboon tahay in xilalka laga qaado.
Tallaabadan ayaa dagaal
cusub u furtay dowladda iyo mucaaradka, waxaana ay timid kadib markii
baarlamaanka Kenya uu Ruto ka codsaday inuu sameeyo dacwad ka dhan ah xubnaha
guddiga doorashada ee kala ah Juliana Cherera, Justus Nyang'aya, Irene Masit
iyo Francis Wanderi.
Raila Odinga,
hoggaamiyaha mucaaradka ee ruug cadaaga ah ee sida dirqi ah loogaga guuleystey
doorashadii Agoosto, ayaa ku gacan-seyray tallaabadii uu Ruto ka qaaday
xubnihii diidanaa natiijada doorashadiisa.
"Iyagu (xukuumadda
Ruto) waxay bilaabeen qorshe ay xilka kaga qaadayaan afarta qof ee cadaaladda u
taagan," ayuu yiri Odinga Jimcihii, wuxuuna ku eedeeyay Ruto inuu isku
dayay inuu la wareego maamulka doorashada soo socota.
"Waxay doonayaan
inay soo magacaabaan xubnaha guddiga si ay u fuliyaan khiyaanadooda 2027,"
ayuu yiri Odinga oo wacad ku maray in ay qabanayaan isu soo baxyo dadweyne, si
ay wadatashi ula sameeyaa Kenyanka tallaabooyinka xiga.
Dibadbaxa ugu horeeya
ayaa ka dhici doona Nairobi December. 7, halka kan labaadna ay qaban doonaan
December. 12-keedaa.
Xafiiska Ruto si degdeg
ah ugama jawaabin markii wakaaladda wararka ee Reuters ay wax ka weydiisay
eedeyntan.
Mid ka mid ah guddigan,
Justus Nyang'aya, ayaa sheegay inuu is-casilay, sida ay sheegtay warbaahinta
gudaha.
Afarta xubnood ayaa
qabtay shir jaraa'id oo barbar socday kan guddoomiyaha guddiga doorashada
bishii Agoosto. 15-keedii, waxayana sheegeen in aaneyn qayb ka noqon karin
natiijadii sida toos ah telefiishanka ay kaga dhawaaqeen guddoomiyaha iyo laba
xubnood oo kale.
Muranka ayaa u gudbay
maxkamadda sare, taasoo taageertay doorashadii Ruto, waxayna diiday doodda ay
afartan xubnood soo bandhigeen ee ku saabsan habka tirinta codadka.