Madaxwaynaha Somaliya Oo Ku Dhawaaqay War Ka Farxiyay Ardayda
Muqdisho, Diseembar 02,
2022: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr. Xasan Sheekh
Maxamuud oo maanta ka qeyb galay Munaasabadda Qalin-jabinta Aqoonyahannada
Soomaaliyeed ee sanadka ka baxay Jaamacadda Nabadda ee Qaramada Midoobay ayaa
Maamulka Jaamacaddu waxay go'aamiyeen in ay Madaxweynaha ugu magac-daraan
Xarunta ay ku leeyihiin Soomaaliya.
Madaxweynaha oo
Jaamacaddan ka qaatay sanadka, shahaadada sare ee cilmiga nabadda, maamul
wanaagga iyo horumarinta ayaa ugu hambalyeeyay dhammaan Aqoonyahannada
Soomaaliyeed ee maanta kala qalin-jabiyey heerarka kala duwan ee culuumta ay
bixiso Jaamacadda Qaramada Midoobey, waxa uuna tilmaamay doorka laga filanayo
in ay ka qaataan halganka ciribtirka jahliga iyo dib u dhaca dalka.
"Soomaaliya waxa ay u
baahan tahay dhisidda tiirarka tacliinta sare oo ku saleysan hal-abuur iyo
xirfad, horseedaysana nabad iyo dib u heshiisiin waarta. Maanta waxaan u
fadhinnaa qalin jabinta 18 Aqoonyahan Soomaaliyeed oo qaatay PhD iyo 144 kale
oo heerka Labaad ee Masterka ah, taas oo dhiirri gelinaysa mustaqbalka
dalkeenna."
Madaxweyne Xasan Sheekh
Maxamuud ayaa sheegay in boqol ardey la siinayo deeq waxbarasho PhD ah oo ay
Jaamacadda UPEACE fulin doonto saddexda sano ee soo socota, taas oo kor loogu
qaadayo heerka tacliinta sare ee Soomaaliya, iyadoo dawladdu ay arrinkaas la
kaashaneyso Jaamacadda Nabadda iyo saaxiibbada kale ee taageera Waxbarashada dalkeenna.
Madaxweynaha
Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr. Xasan Sheekh ayaa uga u mahad-celiyay
dhammaan macalimiintii qaybta ka ahaa waxbarashadiisa, gaar ahaan maamulka iyo
ardeyda Jaamacadda Nabadda ee Qaramada Midoobay oo uu ka qaatay takhasusuka cilmiga
Nabadda, Maamul wanaagga iyo Horumarinta.
DHAMMAAD