Trump Oo Mar Kale Ay Ku Dhacday Guul Darro
Maxkamad racfaan oo ku
taalla dalka Mareykanka, ayaa soo afjartay dib u eegis lagu sameeyay
dukumeentiyadii laga soo qaaday dhismaha Mar-a-Lago ee Donald Trump.
Go’aankan ayaa guul u
ah waaxda cadaaladda ee Mareykanka, taasoo baaritaan ku sameyneysa haddii Trump
uu qaatay dukumiintiyo sir ah, markii uu ka guurayay Aqalka Cad.
Baarayaashu ayaa hadda
waxay si buuxda u eegi karaan dukumeentiyada.
Xukunka ayaa waxaa
sameeyay khamiistii guddi saddex garsoore ah oo fadhigeedu yahay magaalada Atlanta
ee dalka Mareykanka, ka dib markii waaxda cadaaladda ay ka hortimid go'aan
bishii Sebtembar, taasoo ogolaatay codsigii Trump ee dib u eegista gaarka ah.
Xukunkeeda, maxkamadda
rafcaanku, ayaa waxay qortay inaysan jirin "liisan garsoor oo lagu fara
gelinayo baaritaanka socda".
BBC