"Somaliland – Jannadii Madaxda Iyo Cadaabtii Shacabka" Abwaan Weedhsame

0
Friday December 02, 2022 - 12:52:46 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1762
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Somaliland – Jannadii Madaxda Iyo Cadaabtii Shacabka" Abwaan Weedhsame

    "Somaliland – Jannadii Madaxda Iyo Cadaabtii Shacabka" Abwaan Weedhsame

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Somaliland – Jannadii Madaxda Iyo Cadaabtii Shacabka" Abwaan Weedhsame


Somaliland dhaqaale ahaan waa dal caydh ah oo dunida ka dawarsada. Dhanka kale Somaliland waa dalka isaga oo dunida tuugsanaya  haddana Madaxweynaheedu 4 goor ka mushaar badan yahay hoggaamiyaha dal weynaha SHIINAHA.

 

Somaliland waa dalka xildhibaanka  baarlamanku la mushaar yahay 26 macalin oo dugsiga sare dhiga, halka dalka UK xildhibaanku la mushaar yahay 2 macallin oo dugsiga sare dhiga, Maraykankana xildhibaankiisu la mushaar yahay 3 macallin oo dugsiga sare dhiga.

 

Somaliland waa dalka madaxweynaheedu la mushaar yahay 53 macallin oo dugsiga sare dhiga, isaga oo aan caruurta dalkiisa 50% in ka badani aanay waxbarashada aasaasiga ah helin.

 

Raysalwasaaraha UK 4 macallin ayuu la mushaar yahay halka madaxweynaha dalka dunida ugu qanisan ee maraykan 6 macallin la mushaar yahay!!!


Loading...
Loading...