Xulka Germany Oo Ka Hadhay Koobka Adduunka
Xulka afarta jeer ku
guuleystay Koobka Adduunka ayaa mar kale laga saaray Koobka Adduunka ee heerka
guruubyada, afar sano kadib markii ay sidan oo kale waji gabax kala kulmeen
koobkii lagu qabtay Ruushka, xilligaas oo ay difaacaneenayeen koobka.
Kadib guuldarradii
kasoo gaartay ciyaartii ay kaga hortageen Costa Rica Khamiistii oo laakiin ay
4-2 ku badiyeen ayaa tababaraha xulka Germany Hansi Flick wuxuu sheegay
Jarmalku ku qasban yahay isbedel degdeg ah.
"Waxaan
aaminsanahay mustaqbalka kubada cagta Jarmalka inaan u baahanahay in
qorshihiisu aan u sameyno si ka duwan tababarka," ayuu yiri Flick, oo la
wareegay macalinimo Jarmalka kadib Koobkii Yurub ee sanadkii hore. "Muddo
sanado ah waxaan ka hadlaynaa goolhayeyaal cusub iyo garbaha, laakiin Germany
mar walba waxay awood u leedahay inay is difaacdo. Waxaan u baahanahay in aan
aas-aaska wax ka bedelno" ayuu raaciyay tababare Flick.
"Mustaqbalka,
10-ka sano ee soo socota, aad ayey muhiim u tahay in diirada la saaro jiil
cusub ee ciyaartoy ah"
Imaatinkii Qatar, waxaa
Jarmalka guuldaradii furitaanka ay kasoo gaartay Japan taas oo dejisay marxalad
niyad jab leh, kadib markii 2-1 ay Japan ku badisay, waxaana raaca barbardhac
1-1 ah oo ay la galeen Spain.
Japan oo sidoo kale 2-1
uga badisay Spain ayaa kusoo baxday kaalinta koowaad ee qeybtan E, halka Spian
ay kaalinta labaad ugu soo baxday qaab gool tirsi ah.
Costa Rica oo ay Spain
uga soo badisay 7-0 ayaa raacday Germany oo ka huleeshay Qadar.
Ciyaarta ayaa sidoo
kale ahayd mid taariikh ahaan xusid mudan maadaama garsooraha Faransiiska
Stéphanie Frappart ay noqotay haweeneydii ugu horeysay ee dhex dhexaadisa
ciyaar ka tirsan Koobka Adduunka ee ragga.
VOA