Jabhada TPLF Oo Hubkeeda Ku Wareejinaysa Ciidanka Dowladda Itoobiya
Safiirka Itoobiya u
fadhiya dalka Kenya, ayaa shaaca ka qaaday in jabhadda (TPLF) ay maalinta
sabtida ah ay soo dhiibi doonto hubkeeda culculus, kadib wada hadalo dhex maray
madaxda sare ee ciidamada Itoobiya iyo taliska TPLF.
Ambassador Bacha
Debele, ayaa hadalkan ku sheegay muuqaal lasoo dhigay barta Youtube-ka.
"Marka laga
hadlayo dhiibista hubka culus, waxay ahayd inay [TPLF] soo dhiibaan 17-kii
Nofembar, laakiin taasi ma aysan dhaqan gelin, laakiin hadda waxaa la
go'aamiyay inay soo dhiibaan 3-da December," ayuu yiri.
Bacha ayaa sheegay in
taliyeyaasha goobuhu ay "kulmaan maalin walba" si ay uga wada hadlaan
habka hub ka dhigista, iyo dagaal yahanada kooxda TPLF la isugu keeno goobo
cayiman.
"Macluumaad aan
maanta helay, ayaa sheegaya in dhaqdhaqaaqyo ay bilaabeen inay [dagaalyahannada
TPLF] ku ururaan goobo cayiman. Waxay fulinayaan [hannaanka hub ka
dhigista]," ayuu raaciyay.
Safiirka ayaa sidoo
kale sheegay inay tahay wax xun oo waji gabax ah in si fagaaro ah loogga hadlo
khasaaraha ka dhashay dagaalka.
Xukuumada Itoobiya iyo
kooxda TPLF, ayaa horaantii bishii hore heshiis nabadeed ku kala saxeexday
dalka Koonfur Afrika, si ay si nabad ah ugu soo afjaraan dagaalkii khasaaraha
badan dhaliyay, ee mudada labada sano ah socday.
BBC