Qaybtii Labaad Khatarta Caafimaad Daro Ee Ka Iman Karta Qashinkakasoo Baxa

0
Saturday June 15, 2019 - 09:15:00 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1084
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qaybtii Labaad Khatarta Caafimaad Daro Ee Ka Iman Karta Qashinkakasoo Baxa

    KHATAR CAAFIMAAD KA FEEJIGNOW MARKASTA HA KU TUURIN GOOB AAN AHAYN QASHIN

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

KHATAR CAAFIMAAD KA FEEJIGNOW MARKASTA HA KU TUURIN GOOB AAN AHAYN QASHIN URURINTA  GOOBTA CAAFIMAAD  SIDA FARMASIGA  CUSBITAALKA ETC

 

runtii waxa u baahan feejignaan dheerada sidii loo maarayn lahaa qashinka had iyo goor kasoo baxa goobaha caafimaadka oo ay ka iman karto khatar caafimaad daro halis ah hadii aan loo wajahin hab gaar ah oo waafaqsan sharciga ilaalinta fayadhowrka bulshada  ku nool deegaankaas  sidA

 

sida pharmisiyada rugaha caafimaadka oo ay kasoo baxaan qashin halis galin kara noolasha aadamaha oo u badan irbado la isticmaalay qalanka dhaymaha  qashinka hadhaaga ee kasoo baxa ilaha shaybaadhka oo u baahan in aad looga taxadiro waqtiga iyo qaabka loogu keydinaayo goobahaas waqtiga qaadida qashinkaas oo u baahan in loo maareeyo dad gaar ah oo u tabobaran  si looga badbaado khataraha kaga iman kara  maarayntiisa si walba ha ahaato waxa sii kordhaaya goobaha ganacsi ee gaarka loo leeyahay sida pharmasiyada rugaha caafimaadka cusbitaalada  degmooyinka dalka  



waxa  dhacda inta badan in aynu ku baraarugno sidii aynu iskaga fogayno qashinkaas goobaheena ganacsi sida qashinka caadiga ah aynu u saaro gawaadhida qashinka wakhtiga qashin qaadista oo kale waxa soo raaca qashinkaas rugaha caafimaadka kasoo baxa in lasoo raaciyo daawooyin dhacay  oo dhamaan inta badan lagu daadiyo  goobaha qashin qubka oo ku dhexyaala goobo ay degan yahiin bulsho aan  garanayn noocyada badeecadaha lagu soo daadiyo goobaha qashin qubka ama had iyo goor ka raadiyo waxyaabo ay ku daboolan bahiyaadka noolaleed ee qoysaskaas ag degen goobaha loogu talogalay qashin qubka caasimadaha  hadababa inagoo la socona khatarahaas caafimaad ee ka iman kara qashinka kasoo baxa rugaha caafimaadka gaarka loo  leeyahay iyo khataraha caafimaad ee kasoo gaadhi kara bulshada goobaha lagu daadiyo qashinka iyo waqti ururinta basrinta qashinkaas waxa haboon in aynu wajahno qaabka ugu fudud ee loo basrin karo qashinkaas oo aan u baahnayn in loo ururiyo sida qashinka caadiga ah loo basriyo uririyo iyo weelka qashin basrinta oo ka gadisan kan  aynu u isticmaalo qashinka caadiga ee kasoo baxa  magaalooyinka dalka jsl


waa in  marka hore u kuurgal baadhitaan lagu sameeya qashinkaas kasoo baxa rugaha caafimaadka  dalka  noocyadiisa uu ka kooban yahay  iyo noocyada khataraha caafimaad ee kaga iman kara bulshada hadii la hareer maro nidaamka ugu dhaw ee mudan taxadir gaar ah in loo basriyo noocyada qashin ee uu ka kooban yahay


waa in la diwaan galiyaa  farmasiyada rugaha caafimaad cusbitaalada ka furan  degmo kasta oo ay ka kooban yahiin gobolada dalka si si fudud loola socon  karo noocyada qashin caafimaad ee kasoo baxi kara goobahaas  caafimaad


waa in ay ka hawlgalaan hawshan shaqo ee ururinta basrinta qaadinta qashinkan caafimaad ee kasoo baxi  kara goobahan caafimaad  sida farmasiyada  ruga caafimaadka cusbitaalada etc shirkad gaar ah oo ka hawl gali garta basrinta qashinkan ururintan oo ku shaqayn karta nidaam sharci  fayadhowr waafaqsan sharciga fayadhowrka caalamigu sidii  qeexayo


waa in shirkadaahas  ka howl gali kara qashin ururintan  caafimaad  ay u tabo baraan shaqaalaha loogu talo galay qashin  ururinta  xirfadlayaal si ay uga badbaadi karaan  khataha caafimaad ee kasoo wajihi kara waqtiyada  shaqada


waa in loo  isticmaala shirkadaha qashin ururinta ka hawl galayaa gadiid xafidan qalab si fudud u gubi kara  qahinkaas waqtiga qashin qaadista


waxa mudan in  aynu iswaydiino  qashinkan kasoo bixi kara farmasiyada  rugaha caafimaadka cusbitaalada ma sida qashinka caadiga ah ayaa looga fogayn karaa magaalooyinka dalka  waqtiga qashin daadinta jawaabtu waa mayo  qashinkan caafimaad si looga badbaadiyo  bulshada khatartiisa  caafimaad  waala aasaya meel ka fog deegaanka bulshada  oo loogu talo galay ama shirkaduhu  waa in ay diyaarsadaan  qalab ay ku gubi burburin  karaan

 

WQ: Dr Buux Ibraahin Aadan

Fayo-dhawre madax bannaan

[email protected]  

  063 4130821

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...