Waxan Galab-sadaa Layga Goynayaa (Abdi-Shotaly)!

0
Thursday December 01, 2022 - 09:45:49 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 801
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Waxan Galab-sadaa Layga Goynayaa (Abdi-Shotaly)!

    * N.B Godob Sidan Qabaan, Ga'ma Diidayoo, Nabsi-Gaan Galaa, I Guhaadiyoo, Meela Gaadhi-Waa, Geedi-Gaan Raroo, Waxan Galab-Sadaa, Layga Goynayaa!

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

* N.B Godob Sidan Qabaan, Ga'ma Diidayoo, Nabsi-Gaan Galaa, I Guhaadiyoo, Meela Gaadhi-Waa, Geedi-Gaan Raroo, Waxan Galab-Sadaa, Layga Goynayaa!


Murtiddda Abwaanadda somaaliyeed, way noocyo badan tahay, afkaar aad u muhiim ah oo nolosha saamaysa Bay kaga war bixiyaan,wax-yaabo kala gedisan,oo ay waayaha kaga hadasho, kuna fasisho arimaha ka dhaca guda-hoodda, haday nabsi tahay, waayo'aragnimo, xaq darro, gef, meel ka dhac, xad-gudub iyo amuuro aan la soo koobi karin bay ka hadashaa, bal hadaba ila eega, hees ay qaadi jirtey Shankaroon xaajadda ay inoo iftiimi-nayso, taas oo si wacan dhakadda uga dul saaran askariga



"Raggii ma adigaa ka hadhay" Waxana ereya-deedda ka mid ahaa adba waad ii qiriye " Godob sidaan qabaan, ga'ma diidayoo, nabsi-gaan galaa i guhaadiyoo, meela gaadhi-waa, geedi-gaan raroo, waxan galab-sadaa, layga goynayaa" Waxay murtidu inoo biniixi-naysaa, qof galay denbiyo gef iyo godob ah, oo wakhtigu ka daba keenay, wixii uu sameeyey ee xumaa, isla markaana isagu is eersa-naaya, waa sidda waranka hadda ku taagan askariga sare ku xusane. qofka ay caleen-tiisu cadaataa ma jirto meel uu dib uga soo laabtaa, sidda " Qudhmiye" Oo hadeer geed uu qabsado la', bilaa kafan is gunaanaday, laakiin la' cid xataa fataxadda u sii akhridda, habaar la sii raaciyo mooyaane. akhristaw ku soo dhawaw waxa igu ig-baaray in aan maqaalkan qalinka u qaato.


 

Sidda ay taariikh-du qoreyso,1956kii dalka masar waxa ku soo duulay wadanadda, Yuhuudda, Faransiiska iyo Dalka Boqor-tooyadda Ingiriiska, Ninkii markaa madax weynaha ka ahaa Masar ( IHN) Oo la odhan jirey Jamaal Cabdinaasir, baa kiinaalka Suways (Zuez Canal) Ka xidhay, in uu maro baayac-mustarkoodu.


Hees qaraami ah, oo qaadi jirey (IHN) Maxamed Axmed Kuluc, baa laga sameeyey arin-taas iyadda ah oo lagu sheegaayo "In wixii wax is bidda xoog, ee kibir loo taag wayo, ay aakhirka wax waabiyaa ku soo baxdo, waxa heesta ka mid ahaa " Geedkii Jirid leh-ba, Nabsaa jebiyee, Jamaal ma xidhay, Janadi Yurub" Wadanadda kor ku qoran oo xoog iyo awood is lahaa wax baad ku muquunin kartaan, kuwaas oo aan meesha-ba soo dhigan xaajada la kulantay, baa dabadda dhulka ku dhuftay, oo ay jac iyo maci ku dhacday.


" Aduun-yadda waaya-heedda, ninkii ogi ma adya-doodee" Way xaalado badan tahay, gelin-ba waa cayn, waana ay halaysaa qofkii liitaa, ee xagga maskaxdda aan ka dhamayn sidda askarta Somaliland ee " Xaafad-tooyadda" Hase-yeeshee Qofka jahaahilka ah waa qaabka " Geenyo shaaximan iyo Raggii ma adigaa ka hadhaye" oo kale ahi mid wax ku qaata maaha, ilaa ay cadceedu guud-kiisa timaado, waana sidda hadeer haysta askarta bilaa maskaxdda ah, ee ciil qaba-yaasha ah, lana ciyaara calooshoodda, wax aanay ahayna is mooday.


Somalidu hore bay ugu maah-maah-day " Ciil qabe iyo calooshiisa la ciyaar, waa cudur aan dawo lahayn" Waxase aakhirka ku soo baxdda dawaddii wakhtiga, taas oo khasab uu ku cabsiiyo, oo micna-heedu yahay, awooddii uu isku halay-naayey, oo isaga laf-tiisa ka hor timaadda, waa sidda imika haysata'e.


 

Murti kale baa iyana ahayd " Nin is waalaba waabiyaa hela" Imikaa waayuhu ku fooraraa oo uu waabiyey, wax ay ka samayn karaana aanay jirin haba-yaraatee.


Waxan ku soo xidhay qoraalkan, biyo dhicii-suna yahay, labadan askari khiyaaliggii ay isku maaweeli-nayeen haatan way soo gabaga-bawday, ummaddii dadka u haysatay, ee kursiga saartay, been ay u sheegeen awgeed, ogaade waxay yihiin, oo si wacan bay hadeer uga dheregsan yihiin, in haddii ay doorasho qabtaan, aanay cid u foodda helayn, taasina waa ta keliftay erey-ga soo koobay Hindisaha ay dabadda u warwaree-jinayaan ee ah " ila-Meerayso".


Beeshii keentay, xoog, xoolo iyo food-ba gelisay, markii lagu balan furey, dul iyo hoos-ba lagala quustay soo joog, sidaad wax u wadda maaha siddii aanu kuu dooranaye, dib-na u fadhiiso oo ku soo noqo, cadaaladddii iyo wadda jirkii ummadani lahayd, dal-kana ka daa foodadda iyo qaska, wakhtigu maaha kii 1992-1997-kiiye. Markii loogu taag waayey, wax maqal iyo miyir qab, ee talaabadda uu qaadaaba ay nooqotay in uu sii afar-qaado iyo "Xasan Jigin Bikh". 

isagu laf-tiisu is curyaamiyey, sheekh, shariif iyo Madax-dhaqmeed intaba uu yidhi " Wax-ba sheegi maysaan" Dal-kiina uu qar-qarka u saaran yahay, in uu leebku qaansadda ka boodo.


 

baa tallo ku cadaatay, oo uu hadeer leeyahay " Allahayaw banaan-kaba bohol kama malaysanine, I-bixiyaw-i-bixi" waase goorma akhristaw, taas oo uu dhegaha iyo indhaha-ba ka xidhay, oo uu diiday wax maqal iyo arag-ba. Waxan ku soo dabray xikmaddii ahayd " Habar dhali wayday, aleello ku waalatay" Ee Hadaba ha ka soo maallo, wuu gawracan yahaye.


 

* N.B Godob Sidan Qabaan, Ga'ma Diidayoo, Nabsi-Gaan Galaa, I Guhaadiyoo, Meela Gaadhi-Waa, Geedi-Gaan Raroo, Waxan Galab-Sadaa, Layga Goynayaa!


 

Qore:- Abdi-Shotaly.

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...