Axdi Lumay Qaybta 1aad. W/Q Amal M.M Kastan

0
Saturday June 15, 2019 - 09:05:29 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 2043
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Axdi Lumay Qaybta 1aad. W/Q Amal M.M Kastan

    Maalin jimce ah ayay ahayd oo dadku ay ka nasanayeen shaqooyinka iyo waxbarashada,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maalin jimce ah ayay ahayd oo dadku ay ka nasanayeen shaqooyinka iyo waxbarashada,
salaadii casar kadib goor ay tahay ayaan ka soo kacay hurdo yar oo aan indhaha ku casaysanayay, waxaan fadhiistay daarada oo xaafadayadu ku sheekaysanaysay, bun iyo shaah ayaa la ii shubay, kaftana waan is waydaarsanay, waxa booqasho na gula joogtay habaryartay oo ka timiday magaalo kale. Si kedisa waxaan u  maqlay garaaca albaabka dibeda, anigoo ordaya ayaan furay, waxa iga soo hor baxday saaxiibaday Deeqa.



Xamda: alla waa Deeqa, iiwarran saaxiib? Maanta waad soo dheeraataye, aadna waad u qurux badantahaye sxp.

Deeqa: khayr saaxiib ee adigu maba soo baxdid.

Xamda: naa wax uun baan akhriyaa oo imtixaankan isku diyariya saaxiib.

Deeqa: madaxa ha is xanuujin saaxiib ee nafta nasi.

Xamda: haye saaxiib ee soo fadhiiso, shaah iyo sharaab midkeed cabaysaa?

Deeqa: naa hadaan soo cabaye, war baan kuu hayaa saaxiib?

Xamda: naa ii sheeg saaxiib, maxaa Jira?

Deeqa: inantii fasalkeena ee Asma ayaa la soo doonay oo xaflad dhiganaysa ee inamari.

Xamda: saaxiib xafladaha ma jecli ee ma iska joogaa?

Deeqa: naa waa ceeb ee inantu way ina soo marti qaadaye soo bax.

Xamda: haye sxp laakiin hore ayaan u soo noqonayaa intaan gabalku dhicin.

Deeqa: haye saaxiib



Markiiba waxaan aaday kabadhkayga dharka anigoo garan la'a dharkaan ku tegi lahaa, dirac baac wayne ah oo cusub ayaan ku arkay khaanad kamida khaanadaha kabadhka, markiiba waan la soo baxay, markaan is galiyay ayaan googarad u eeg iyo shalmad u eegna doon doonay oo aan helay, kabo dhaadheer oo aan ku qariyo gaabnidayda ayaan muddo raadinayay, balse waan waayay, mar dambe ayaan soo xasuustay inan aan jaar nahay oo kabo dhaadheer aan ka heli karo, ta iga yar ayaan u dirsaday si ay iiga soo qaado oo ii soo dhiibtay, kabihii amaanada ahaa ayaan isku taagay, shushuwaar guriga yaalay ayaan soo qaatay oo timaha ku hagaajistay, Deeqa ayaa iga caawinaysay timaha, marna waxay ku hadlaysay taleefan ay ku hagayso gaadhi caruusadu noo soo dirtay oo na gaynaya xaflada, make up yar baan marsaday, dhawr bulukaati oo aan midba meel ka soo saarayna waan isku taxay. Labiskii dhamaystay, kadib waxaan hor istaagay muraayada, alla qurux badaniyaa oo ma sidan ayaan u eekaa?. Qalanjo aan aniga ahayn ba ma jirto maanta walee. Gaadhigii na qaadayay ayaa hoonka soo garaacay, madbakha ayaan sii maray si aan hooyo ugu sheego meeshaan tagayo. Hooyo waxay igu adkaysay inaan hore u soo laabto. Hablihii guriga joogay oo musalsal carabiya daawanayay ayaan sii waydiiyay inaan shidanahay, iyaguna amaan ayay igala daaleen.



Deeqa iyo anigu waxaan raacnay baabuurkii, laba kursi oo isku xiga, xaga dambena ku yaala ayaan fadhiisanay, muraayadaha daaqadaha ayaan gaabsanay, laydh qabaw oo macaan ayaa si teel teel ah noogu soo dhacaysay, jawi dagan ayaan ku jirnay, hees macaan ayaa noo socotay oo ay Ikraan qaadaysay, kana baxaysay gaadhiga



Dunida adaan kaa rabaa,

Daa'in intuu abuuray,

Dookhaygaa ku raacay,

Ku dalbaday dahabka maankayga,

Adigaa degay qalbigaa,

Wadnaha dacalkiisee,

Soo deg oo I dawee.


Mawjado kale ayaan dhex dabaalanayey oo heestan ayaa I galisay dareen aanan hayn sifihiisa, cabaar ayaan aamusnaa, kadib ayaa la ii sheegay in la soo gaadhay hudheelkii xafladu ka socotay. si degdeg ah ayaan u dagay, waxaan markiiba is aragnay qaar badan oo ka mida ardaydii oo aan isa salaanay, kadib dib ayaan u yara joogsaday si aan u sugo Deeqa oo iga dambaysay, markay isoo gaadhay ayaan bilownay inan u socono dhinaca hoolka xaflada, anaga oo iska wada sheekaysanayna ayaanu gaadhnay, markiiba waxaanu aadnay dhinaca inanta caruusada ah si aanu ugu hambalyeeno guurkeeda.


heeso macaan ayaa lashiday dhalinyaro bandanna waxay u soo kaceen si ay u ciyaaraan, meeshu aad bay u kululayd. Waxaan u yara baxay banaanka si an laydha usoo yara qaato, anigoo eeg eegaya meel aan biyo qabow ka iibsado, waxaanan si lama filaana is kugu dhacnay qofkii noloshayda bedalay, bilowgana u ah qisadayda.


[email protected]

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...