Farriin dhallinyarada iyo siyaasada!

0
Thursday December 01, 2022 - 09:43:04 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 408
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Farriin dhallinyarada iyo siyaasada!

    kumanaan ayaa sanad waliba qalin rogta, balse waxa la baray

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

kumanaan ayaa sanad waliba qalin rogta, balse waxa la baray


Hays weydiin wuxuu dalkaagu kuu qaban doono isweydii adigu maxaad ka beddeli kartaa wadankaaga, Fikir dabeeto hodan noqon , waxaan halkan kugula wadaagayaa fikir aad ku dheefi doontid.


Dhamaan da’yarta maantu waxay diirada ku hayaan siyaasada dalka, qof waliba wuxuu rabaa inuu wax ka beddelo habka , balse waa geedkaa ma gaadho, wuxuunbay ka miisaan halkii hore ma jirto arrin bedelmayaa,



kumanaan ayaa sanad waliba qalin rogta, balse waxa la baray oo looga sheekeeyay cida wax ka lunstay iyo habka wax loo lunsado, ma jiro cilmi bisayl ah oo jira, waa culuum wada been abuur maydhana taasina waa sababta keentay dad wada halawsan iyo hogaamin halawsan inay soo baxaan halka adduunyaduna siday hogaamiyaal dhaxla culuumtii awoowayaashood dhaqaalaha ugu badan ku kharash garaynayaan uguna soo baxaan hogaamiyayaal naftooda hurayaal ah,


waxan ku leeyahay laakiin tilmaantan qaado adigu abuur wadan qurxoon, dawlad damaanad qaad leh? Balse sidee ayaad ku badbaadin kartaa wadankaaga adoo maanka baadhaya?


Waxaad ku fikiraysaa inaad siyaasi noqoto, ood hogaanka hanato laakiin bilaa mabda ayaad tahay waxa keliya ku wadaa waa laablakac kugu jira. Sidan ayaad ummad hogaan ugu qaban kartaa addoo samaynaya Tusaale;


meeshaad joogto ma jiraan goobo caafimaad oo tayo leh bilaashna u ah dadka tamarta daran waa inaad diirada saartaa addoon ahayn siyaasi xil haya inaad mashruucaas abuurto.


Laakiin sidee ayaad ku abuuraysaa addoon dhaqaale hayn xilna hayn waa fudayd markii aad leedahay han hogaamineed waxaad samaynaysaa samafal aad ugu talogashay inaad muuqbaahiye dheer ku qaado ood dadka tusto inay wax badan qabsan karaan dawladana ay maarmi karayaan ooy iskood si wada jira u dhisan karayaan dhamaan baahiyaha aasaasiga ah.


 

Dhan kale hadaan kaa tuso waxaad samaynaysaa magaalada aad joogto waxa ku nool tusaale ahaan boqol kun oo qofood calaa qof haddii uu $1 dollar keeno waxay noqonaysaa 100k*1= $100,000 boqol kun oo dollar qofkiina laguma badin oo waa $1 dollar ma dareemayo hore ayuu ka bixinayaa ka dib haddii aan sidaa ku wadno kolba mashruuc immisa,


mashaariicood oo xoogaagi ah baa dhamaanaya dabcan wax Badan ka dib baahiyaha aasaaska ah kolkaad ka dhisanto eed xoogaysato waxaad u jeesanaysaa dhanka horumarinta laamiyada isku xidha gobolada dalka oo dhan, isku xidhka goboladuna wuxuu sababayaa kor u koboc ganacsi, ganacsigu kolkuu xoogaystana waxa imanaysa xaadarad halkaana waxa ka soo baxaysa ummad dhan walba ka dhisan oo bisayl u ah isla xisaabtan inay dawlada layeelato.


 

Uma baahnid wakhti dheeriya keliya waxaad u baahan tahay feejignaan dheeraad ah. Si aad u aragto quruxda hodanka ah ee kugu qarsoon."


 

©️ Abdinasir Mohamed Ismail

 

 

 

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...