Muxuu Dhigayaa Xeerka Kufsiga Ee Somaliland Laga Ansixiyey Sanadkii 2018?

0
Wednesday November 30, 2022 - 11:31:53 in News by Abdi Good
  • Visits: 2056
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Muxuu Dhigayaa Xeerka Kufsiga Ee Somaliland Laga Ansixiyey Sanadkii 2018?

    Muxuu Dhigayaa Xeerka Kufsiga Ee Somaliland Laga Ansixiyey Sanadkii 2018?

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Muxuu Dhigayaa Xeerka Kufsiga Ee Somaliland Laga Ansixiyey Sanadkii 2018?
Xeerka kufsiga iyo xadgudubyada jinsiga Soomaalilaand oo la ansixiyay 28.8.2018, wax uu cutubka labaad ee qodobka 4-aad oo kufsiga ka warramayaa odhanayaa:

(1) Qof kasta oo


b) Isticmaalaya xoog, qasab ama hanjabaad, ee kula kaca galmo aan sharci ahayn qof kale oo aan ogoleyn raalina ka ahayn.

t) Kula kaca galmo aan sharcigu bannayn qof kale oo aan awoodin bixinta raali ka ahaanshiiyo waxa uu galay fal dambi kufsi, waxaana uu mutaysanayaa ciqaab xabsi ah oo u dhaxaysa shan iyo toban ilaa labaatan sannadood.

(2) Ciqaabta la saarayo ama uu mutaysanayo eedeysanaha lagu eedeeyo faldambiyeed ku cad farqada koowaad ee qodobkan, waxay noqonaysaa ciqaab xabsi oo u dhaxaysa Labaatan ilaa Shan iyo Labaatan sannadood, haddii Dhibanaha fal dambiyeedku yahay
qof carruura oo da' diisu tahay 15 jir ama ka yar.

(3) Qofka gala fal dambiyeed ku cad farqada koowaad ee qodobkan waxa uu mutaysanayaa ciqaab xabsi daa’in ah haddii:

b) Uu eedeysanuhu gaadhsiiyo dhibanaha dhaawac maskaxeed ama jidheed oo aan laga bogsoonaynin; ama

t) uu sababo faldambiyeedkaasi dhibenaha oo qaada cudurka HIV Aydhiska.

(4) Qofkasta oo isku daya in uu galo fal dambiyeed kufsi ah waxa uu mutaysanayaa xadhig ciqaabeed u dhaxeeya Afar ilaa Todaba sannadood.

No photo description available.
No photo description available.

Loading...
Loading...