Ka Dib Maalgashiga Dekeda, DP World Oo Mashruuc Kale Ka Hirgelinaysa Magaalada Berbera
Ka Dib Maalgashiga Dekeda, DP World Oo Mashruuc Kale Ka Hirgelinaysa Magaalada Berbera
Ka dib maalgashigii Dekadda Berbera, DP World waxay daahfuraysaa Aaga Dhaqaalaha Berbera si uu u abuuro ganacsi badeed, mid saad (logistics) iyo mid warshadeed oo isku dhafan, kuwaas oo u adeeggi doona Suuqayada Geeska Afrika iyo Ethiopia.
Waxa Aaga Dhaqaalaha lagu diyaariyey oo aad si sanadle ah ama mudo dheer oo ilaa 25 sano ah loo kireynayaa xafiisyo, dhismayaal waaweyn oo alaabta lagu keydsado, wershaddo fududna lagu dhex rakabi karo iyo dhul banaan oo lagu shaqeysto.
《》In laga dhaafayo Cashuurta Macaashka ee shirkaddaha waaweyn (corporate tax)
《》In aanay cashuurta kastamku ku waajibeyn alaabta lagu keydinayo Aaga Dhaqaalaha,
《》In shirkaddaha laga dhaafayo shuruudaha ogalaanshaha dhoofinta iyo soo dejinta
《》In Aaga Dhaqaalaha ay ka hawl gali karaan shirkaddo 100% ajaanibi leedahay
《》In Aaga Dhaqaalaha la keensan karo shaqaale ajaaniib ah.
Loading...
Loading...