Qaabkee Ayey Golaha Wakiiladu U Kordhiyeen Kabka Miisaaniyada Ee 23-ka Degmo Doorasho Ay Ka Helaan Dawlada Dhexe?
Qaabkee Ayey Golaha Wakiiladu U Kordhiyeen Kabka Miisaaniyada Ee 23-ka Degmo Doorasho Ay Ka Helaan Dawlada Dhexe?
23-ka Degmo ee Somaliland oo Golaha Wakiillada ka helay tallaabo dhiiri gelin u ah Waxqabadkooda oo ku saabsan kabka 12.5% ee Dawladda dhexe u qabato Dawladdaha hoose waa in marka ay Dawladdaha hoose.
23-ka degmo ee Somaliland ee Derejooyinkoodu yihiin A, B iyo C, ayaa korodh badan ka helay sixitaan ay Golaha Wakiilladu ku sameeyeen ka kabka 12.5% ee Dawladda dhexe u qabato Dawladdaha hoose waa in marka ay Dawladdaha hoose, iyada oo sixitaankaas uu ka soo baxay dhaqaale badan oo kordhiyey kabkaas la siiyo degmooyinka.
"Guddidu waxa ay sixid ku samaysay Dakhliga Kabka 12.5% ee ay Dawladda dhexe u qabato Dawladdaha hoose iyada oo Guddidu isla eegtay Lacagta qoonda kabka ee ugu jirta buuga Miisaniyadda Dawladda Dhexe iyo lacagta ay soo qoondaysteen Dawladdaha hoose ee ku jirta buuga Miisaniyadda dawladdaha hoose.” Ayaa lagu yidhi talo soo jeedintii guddida dhaqaalaha ee Golaha Wakiillada.
Dhaqaalaha badan ee u soo baxday Dawladdaha hoose ee dalka, ka dib sixitaanka Golaha Wakiillada, ayaa la mashaariceeyey waxyaabaha laguqaban doonto lacagaasi.
Golaha Wakiillada ayaa sidoo kale, wax ka beddelayqaabkii loo maamuli jiray kabka Dawladdaha hoose, taas oo Wasaaradda arrimaha guddaha awood dheer ah ku lahayd maamulkeeda, balse imika waxa soo jeediyeen Goluhu sidan: "habraaca Kabka 12.5% ee Dawladda dhexe u qabato Dawladdaha hoose waa in marka ay Dawladdaha hoose usoo gudbiyaan Wasaaradda Arrimaha, waa in Wasaaraddu usoo Gudbiso Wasiirka W.H.Maaliyadda si uu hubiyo in laraacay Habka Qoondada Degmooyinka Ee Xeerku 23/2019 Jideyey , kadibna loo gudbiyaa Xisaabiyaha Guud, Waxaa Reeban Habraac kasta ama Xeer nidaamiye kasta oo ka horimanayaa Xeerka Ismaamulka Gobolada iyo Degmooyinka ee
Xeer Lr.23/2019”
Halkan hoose ka akhri korodhka ku yimid kabka 12.5% Dawladdaha hoose ee dalka, Degmo kasta inta u korodhay iyo mashaariicda degmo kasta laga fulinayo oo ku jira Miisaaniyad 2023-ka
![]() |
![]() |
Loading...
Loading...