Askariga Belaa Tidhi Ii Riyaaq ( Abdi-Shotaly)!

0
Wednesday November 30, 2022 - 11:12:11 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 791
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Askariga Belaa Tidhi Ii Riyaaq ( Abdi-Shotaly)!

    * N.B Run Baa Car I Sheeg I Tidhi!

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

* N.B Run Baa Car I Sheeg I Tidhi!



Halka. Waxan ku soo koobaya Arimaha uu " Raggii ma adigaa ka hadhay" Iyo koox-dda u sacab tuntaa ay ku shaqeeyaan, ee iga hoo iyadda oo murti-yeysan "Wakhtigu waa raasa-maal, taariikhaha reeba oo, Mar hore raad aad dhigtaa, rogaal celin soo noqdee, riyadu yey kula fogaan, hunguri uun haw raxlayn, ayaamuhu yey ku raran, aduunyadan Rubuc hadhay, inteeddii badnayd la rogay, rug-teeddii bahalku degay. 


rays-keeddii wadda engegay, fool-xumo ay raysatee, nabsigu uu raarayee, dadkii wadda raad gateen, ratiga loo qalay sunta ah ( waa xaaraane), riyuhu ay maamulaan, Xaqii hay raadin yidhi, Run baa car i sheeg i tidhi, samaa yidhi hay rokayn, dantii way reeban tahay, belaa tithi ii riyaaq, khayr baa laga roorayaa, shar baa risiqii u galay, markaan raacdee is idhi, talaa tidhi hay rog-rogin. Been baa tidhi ani i Raac,Tuug baa yidhi ila rafiiq, Xaaraan baa tidhi ani i ruug, Xalaal baa tidhi i reeb. 

Cannaan baa la riixayaa, wanaag wuu riiq-mayoo, Kal-gacal baa ruugag jabay, rishwaa tihdi hayga tegin, cidlaan ku rafaad-sanoo, wa taas i rifeen dugaag, roobkii da'a kama caboo, waxaan ruubtaa haraad, ilkuu wax ma raabiyaan, waxaan ruugaa lafaha, markaan macaluul ribaday, naftii ila roor i tihdi, sidaas reer kuma dhaqmee ( Waa somalilande). 

Allaw raxmadaadda noo shub, Rabbaw adigu noo gargaar". Hadaba iyadda sidaas ah muwaadin, haddii uu kuu dhacday xaajoo-yinka aan ku soo hor dhigay ama aad fahantay, micnaha ay inoo qeexayaan arimha sare ku yaalaa, ma is waydiisay waxa sababay, mise weli maad dhaadin? Ma wax lagu murmaa baa in ay xaala-daasi ay la bilaabmeen " Raggii ma adigaa ka hadhay iyo ka uu ku adeegto ee Geenyo Shaaximan" Bal adigu wax ku sheeg, qarana waad ku af gobaad-sataa, ilayn waad ku xoogsa-taaye,, qabiila waad ku mahad naqdaa ah anakaa kursiga ku fadhina, waxad soo kordhi-sayna, waa waxa aan ku fasilay kor.

Waa aduun ay xumaani dhidi-badda u saartay, oo wixii si loo yaqaanay beri hore, imika xaga kale laga rogay, oo qulaan-qulshaha laga gawracay, laga dhidiiqiyey dhaqankii wacnaa, hidihii suubanaa, iimaankii, diintii iyo wixii illaah ina faray, misana ay afka boodh soo wadda marsanayso, munaafaqad, khiyaali la isugu khaakhaa-yiraayo, si laguugu khaldo, oo laguu dhaxal wareejiyo, wax aan jirin oo la isku maaweeliyo, ay ka mid tahay dafiraad aan geed-na loogu soo gabannini, hadana indhaha la isku caday-naayo si loo damba-baso tuugani-madda aan loo aabo yeelayn, reer hebela daaha dabadiisa lagaga maamulaayo.

weliba calaa-haakadda ay is yeel-yeel awggii, sidi-muldhukh isaga wadda dhigayso iyo nebiyo soo daahiray, wadaadkii iska walamsa-naayo, kii cumaamadda reer u sitay, hunguri u ordaayo iyo xagaad saaka wax ka soo heshaa, oo waxii laga xishoon jirey oo dhan la fasaxay, hadeer-na si cadaan ah loogu ceeshaayo, khaladkii sax noqday, kii qaban lahaana, uu leeyahay maxaa kaa galay, mar haddii ay beesheena tahay, cidda sidaasi u faa'iido tahay. wixii rogmayaa yeel-kood. mar hadaynu inaku dhergayno, ma dan baan ka leenahay riyaha danabku laynaayo.

Waxan ku soo af-meeray qoraalkan, hadaad jeceshahay Somaliland wixii la odhan jirey ( Intii ka horeysay ee aanu Siilaanyo xanuunsan Ilaah caafimaad ha siiyo'e), ee aanu ku fasaxin ayaxan uu ku soo hurgufay wadankii, ee xaaluf daaqa ah, wax kale iska daayo dhirtii xididadda u saaray, siddii geeka garan-waaga ah ee inagu cusub, aan hore inoo soo marin noocani. 

Waa ina kaas maanta hayna cidhib-teeddii, ee uu ina xukumaan Ayax iyo kiron-koro is wataa, wixii aynu u soo basbeelay cirka laga eegay, ee ay sii gashay odhaah-ddii ahayd " Ha is qalatee ka dhex faa'iid", Waa taas ruugaga dhigatay, ee cagaha cirka u taagtay siddii neef la gawracay. 

Waxan kaga baxay maqaalkan, Ilaah ha u naxariisto Axmed Ismaaciil Diiriye ( Qaasim) Baa wuxu yidhi " Olol-keedu waa ii baxaa, oogta waaberiye" Geedka la yidhaaho " Adaahidu" dhib mooyee dheef lagama helo, oo waa bilaa faa'iido, sidaas oo kale, maamulka ka soo jeedda " Xaafad-tooyadu" Mid khayr laga dheefaayo maaha khasaare iyo dhib mooyaane, Waxa taagan maansaddii Tima-cade (Ihun) ee uu yidhi " Duulkii inkaar qaba, jina adaasadaw tuma'e". Allay-lehe Jaahil ma idin hor booday.



* N.B Run Baa Car I Sheeg I Tidhi!
Qore:- Abdi-Shotaly.
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...