Maraykanka Oo Saxeexay Heshiis Hub Lagaga Iibinayo Qatar, Intii Ay Socotay Ciyaartii USA Iyo Iran
Dawladda Maraykanka
ayaa ansixisay in dalka Qatar laga iibiyo hub gaadhaya illaa $1 bilyan oo
dollar, waxaana arrintan la shaaciyey intii lagu guda-jiday wakhtiga nasashada
ee ciyaarta koobka adduunka ee dhex martay xulalka Maraykanka iyo Iran, taas oo
ku soo dhamaatay in xulka Maraykanku uu hal gool kaga badiyo xulka Iran.
Wasaaradda Arrimaha
Debedda ee Maraykanka ayaa ku dhawaaqday inay saxiixday heshiis hub lagaga
iibinayo dalka Qatar, taas oo ay ku jiraan illaa 10 kamida hannaanka difaaca ee
diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, iyo hub kala duwan.
Qatar iyo dalalka kale
ee ku yaalla Gacanka Carabta ayaa daandaansi kala kulma dalka Iran iyo
xulafadeeda.
Qoraal ay soo saartay
wasaaradda arrimaha debedda ee Maraykanka ayaa lagu sheegay in heshiiskan iibka
Hubku inuu taageerayo "siyaasadda arrimaha debedda iyo amniga qaranka ee
Maraykanka, iyada oo gacan ka geysanaysa hagaajinta ammaanka dalalka saaxiibka
la ah [Maraykanka], waxaana arrintani ay gacan ka geysanaysaa inay ahaadaan
awood muhiim u ah xasillonida siyaasadeed iyo horumarka dhaqaalaha ee bariga
dhexe”.
Wasaaradda arrimaha
debedda ee Maraykanka ayaa sheegtay in tallaabadani ay wanaajin doonto awoodda
dalka Qatar uu kula tacaali karo khataraha haatan jira iyo kuwa mustaqbalkaba.
VOA