Goolhaye Dhexda Looga Taag Waayay, Oo La Ganaaxay

0
Wednesday November 30, 2022 - 08:59:01 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1143
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Goolhaye Dhexda Looga Taag Waayay, Oo La Ganaaxay

    "Waa cayaartooy muhiim noo ah, balse tartankan waa mid adag."

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Waa cayaartooy muhiim noo ah, balse tartankan waa mid adag."



Tababaraha xulka Cameroon, Rigobert Song, ayaa kooxdiisa ka saaray goolhaye Andre Onana, kadib markii uu diiday inuu qarankiisa u safto kulankii labaad ee koobka adduunka oo ay Isniintii la cayaareen Serbia.

 

Labada nin ayaa isku qabtay qaab ciyaareedka goolhayaha, oo kulankii koobaad ee guruubka G si weyn uga muuqday khadka dhexe, cayaartaas oo Switzerland ay 1-0 uga badisay Cameroon.

 

Kulankii xigay ee ay Cameroon 3-3 Isniintii la gashay Serbia ayaa waxaa goolhaye u ahaa Devis Epassy, iyadoo aan Onana lagu soo darin xitaa cayaartooyda keydka u ahayd xulka macallin Song.

 

Laacibkan u soo dheelay kooxda Ajax Amsterdam ayaa kulankii uu la dheelay Switzerland waxa uu meel ka baxsan goolkiisa banooniga ku baasay 61 jeer, mararka qaarna waxa uu ka cayaarayay khadka dhexe.

 

Guddoomiyaha xiriirka kubadda cagta Cameroon, Samuel Eto'o ayaa taageeray go’anka lagu ganaaxay goolhaye Onana oo uu sheegay inuu yahay mid lagu edbinayo laacibkaas.

 

"Waa cayaartooy muhiim noo ah, balse tartankan waa mid adag. Waan ogahay waxa la iga doonayo, ma jiro qof ka weyn kooxda,” ayuu yiri tababare Song.

 

Devis Epassy oo bedalay Onana ayaa beeniyay in kooxdiisa uu khilaaf ka dhex taagan yahay.

 

Kulanka Brazil

 

Kulankii ay Cameroon 3-3 la gashay Serbia ayaa siisay fursad ay ugu gudbi karto wareegga 16-ka, balse waa in xulkaas uu ka badiyo Brazil oo shan goor qaaday koobka adduunka.

 

Vincent Aboubakar oo bedal ku soo galay ciyaarta ayaa dowr muhiim ah ka qaatay kulankii Cameroon ee Isniintii.

 

Koobdkii Adduunka ee dhacay 2002 ayaa ugu dambeeyay guul ay Cameroon gaarto, waxaana kulanka xiga ay Jimcaha ka hortagi doontaa Brazil.

"Tartankan waxaa muhiim ah in aad muujiyo rabitaanka ah in aad guul gaarto. Kooxdu waxa ay dheeshay ciyaar wanaagsan. Waxaan dareennay in xulka Serbia uu daallanaa, waana ka faa’iideysannay,” ayuu yiri Vincent Aboubakar.

 

Tababare Song oo daafac u ahaan jiray kooxda Liverpool ayaa sheegay in cayaar wanaagii uu xulkiisa soo bandhigay qeybtii labaad ee kulankii Serbia ay muujisay "dareenka kubad wanaaga ee Cameroon”. Waxa uu tilmaamay inay haystaan fursad ay uga badin karaan xulka Brazil oo ah kan hadda ugu fursadda fiican xulalka ka socda waddamada Koonfur Amerika.

 

"Waa suuragal in aan ka badinno Brazil. Waxaan aaminnay in aan badin karno. Halkan uma joogno in aan cayaarno oo keliya. Cameroon wax wanaagsan ayay ku soo kordhin kartaa tartankan Koobka Adduunka,” ayuu yiri tababare Rigobert Song.

 

Brazil ayaa Isniintii 1-0 uga badisay Switzerland, waxaana ay sidaa ugu gudubtay wareegga 16-ka.

 

BBC


Loading...
Loading...