Ma Isku Buuqsan Tahay? Qodobbadan Ayaa Kaa Caawin Kara Inaad La Tacaasho

0
Wednesday November 30, 2022 - 08:46:28 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 763
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ma Isku Buuqsan Tahay? Qodobbadan Ayaa Kaa Caawin Kara Inaad La Tacaasho

    "Inaad dareento degganaansho la'aan, culeys fara badan, farxad la'aan, murugo iyo ciriiri."

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Inaad dareento degganaansho la'aan, culeys fara badan, farxad la'aan, murugo iyo ciriiri."



Isku buuqa waa xaalad maskaxeed amaba cadaadis maskaxeed oo ka imaanaya dalabaadyo mala awaal ah. Maalin walba, waxaan la kulannaa xaalado adag, kuwaas oo aan u qaadan karno "khatar" tusaale ahaan shaqo culus.

 

Jirkeenna ayaa u sameysan inuu naga yareeyo culeyska si uu inooga badbaadiyo khataro badan oo nagu timaadda.

 

Markaan khatar dareenno, maskaxdeenna ayaa dirta dhiillo. Ka jawaab celintan ayaa sii deysa hoormoonno, ay ka mid yihiin noocyada adrenaline iyo cortisol.

 

Adrenaline ayaa kordhiya garaaca wadnaha iyo cadaadiska dhiigga wuxuuna qofka siiyaa tamar.

 

Cortisol ayaa kordhiya sokorta dhiigga, taasoo maskaxda ka caawisa inay isticmaasho sokorta glucose ayna kordhiso helitaanka waxyaabaha gacan ka geysta soo kabashada xiidmaha.

 

Cortisol ayaa sidoo kale ka awood bata hannaanka difaaca jirka, dheef-shiidka iyo hannaanka taranka. Marka ay khatartu dhammaato, hoormoonnada ayaa ku laabta sidoodii caadiga ahaa, jirka ayaana soo celiya shaqooyinka maalinlaha ah.

 

Si kastaba, haddii isku buuqu uu sii socdo welina aad dareemeyso khatar, waxaa sii soconeysa ka jawaab celinta isku buuqa, balse uma sameynin inaan habkaas isaga difaacno isku buuqa.

 

Ma waxaa jira noocyo kala duwan oo isku buuqa ah?

Dhaqaatiirta cilmu-nafsiga ayaa sharraxaya saddex nooc oo isku buuqa ah:

 

Isku buuqa aadka u daran – waxaa sababa cadaadiska maalinlaha ah iyo dalabaadka aan dhammaanteen la kulanno.

 

Wuxuu jiraa muddo kooban.

 

Isku buuq soo laalaabta - kaasoo billowda amaba joogsada muddo dhexdeeda, aalaaba waxaa sabab u ah baahiyo iyo hadafyo mala awaal ah. Wuxuu inta badan ku dhacaa dadka jecel inay noqodaan kuwo wax walba ku fiican. Isku buuqa ragaaday ayaa sababi kara walaahow iyo diiqad oo muddo kaddib sababi kara xanuunnada ku dhaca wadnaha.

 

Isku buuq muddo dheer socda – isku buuqa muddada dheer socda waa sababo la xiriira dhibaatooyin gudaha amaba dibadda kaaga imaanaya, kuwaasoo sababaya xanuunno iyo difaaca jirka oo daciifa. Kuwani waa waxyaabo sababa isku buuq waxaana ka mid ah mas’uuliyadaha waalidnimada amaba shaqada.

 

Sideen ku ogaan karaa inaan isku buuq qabo?

Inkastoo aan dhammaan si kala duwan u wajahno walwalka, haddana waxaa laga yaabaa inaad isku aragto calaamadaha soo socda:

 

Astaamaha jir ahaaneed: Madax xanuun badan, hurdo la’aan, xanuunka xabadka ah, wadno-garaac, xanuun murqaha, laqanyo amaba xanuun caloosha ah, shuban biyood amaba calool-fadhi, daal iyo hammad la’aan.

 

Astaamaha garaadka : Inaad awoodi weyso inaad wax diiradda saarto, dhibaatooyin dhanka xusuusta ah, diiqad, feker walwal leh, isku dhex yaac iyo naxariis darro.

 

Ataamaha maskaxeed:Inaad dareento degganaansho la’aan, culeys fara badan, farxad la’aan, murugo iyo ciriiri.

 

Isbeddello dabeecadeed: Inaad cunto cunno badan amaba mid yar si ka duwan sidaadii hore, hurdo badan, isticmaalka daroogada, sigaar cabid amaba walxaha maanka dooriya iyo inaad jirkaaga dhaawac gaarsiiso.

 

Maxaa sababa isku buuqa?

 

Waxaa jira waxyaabo badan oo sababi kara dhammaanteenna wuu kala duwan yahay dulqaadka ana u heyno cadaadiska.

 

Isku buuqa wuxuu noqon karaa mid bannaanka ka yimaada (maskaxiyan ahaan, sida inaad la kulanto dhacdo argagax leh), mid bulsho, sida xiriir jaceyl oo dhammaaday, ama mid gudaha ka timid sida xanuun.

 

Mararka qaar waxyaabaha aad culeyska isku saarto balse aadan qaban karin ayaa kuu horseedi kara isku buuqa.

 

Shan siyaabood oo aad ula tacaali karto walwalka xad dhaafka ah

Isku buuqa ayaa ah qeyb ka mid ah nolosha mararka qaarna ma beddeli karno xaaladda, balse waxaan baran karnaa inaan garanno waxa noo sababaya xaaladdan isla markaana aan la tacaalno saameyntiisa.

 

Baro qaabab cusub oo lagula tacaali karo si aadan ugu tiirsanaan qaab aan kuu fiicneyn sida isticmaalka daroogo, cunno badan amaba sigaar cabid.

 

1. Aqoonso waxyaabaha kugu dhaliya isku buuqa

 

Sameyso liis aad ku qorto dhammaanba waxyaabaha isku buuqa u sababa noloshaada kaddibna qiimee.

 

Kala dooro waxyaabaha u baahan inaad muhiimad siiso naftaadana weydii haddii aad ka fogaan karto isku buuqa ay dadku kuu sababaan.

 

Howlaha kugu adag u kala qaad si yar yar oo aad u qabna kartid.

 

2. Diiradda saar noloshaada

 

Hubi inaad cunto cunno caafimaad leh, si joogto ah jimicsi u samee si aad isaga saarto waxyaabaha isku buuqa kugu keenaya isla markaana aad hurdo fiican u hesho.

 

3. Sameyso jadwal isku dheellitiran

 

Waqti u qorshee howlaha iyo dadka aad ka hesho farxadda iyo dhiirrigelinta, baro inaad diiddo dalabaadka naftaada u horseedi kara walaahowga.

 

4. Sameyso jadwal maalinle ah oo ay naftaada ku nafisto

 

Neefsasho qoto dheer, dabcinta murqaha, jimicsiga yoga amaba socodka. Xitaa daqiiqado yar maalintii ayaa kaa caawin kara inay kaa yaraato dhibaatada.

 

5. Beddel waxyaabaha aad filaneyso

 

Is bar mahad-naqa iyo inaad wax ka beddesho qaabka aad u wajahayso dhibaatada.

 

Naftaada weydii haddii aad awooddo in muddo bil ah amaba sanad aad aqbasho waxyaabaha aadan xakameyn karin si aad diiradda u saarto waxyaabaha aad xakameyn karto.

 

BBC


Loading...
Loading...