SOOMAALIDU WELI WAA CARUURE,GOORMEEY QAANGAARI DOONTAA.?

0
Tuesday November 29, 2022 - 12:41:57 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 697
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    SOOMAALIDU WELI WAA CARUURE,GOORMEEY QAANGAARI DOONTAA.?

    Ganacsatada waawayn ayaa iyaguna isla sidii ku dhaqaaqa,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ganacsatada waawayn ayaa iyaguna isla sidii ku dhaqaaqa,


Caruurnimada waa cadaw laga koro, Dabeecadaha carruurta waxaa ka mid ah, isufaan dhaxdooda ah, Midkii shay cusub waalidkiis u soo iibiyo, maalintaas faan iyo isqaadqaad buu ardaydii kula dhax dhacaa, Markaasey ardaydii iyaguna waalidiintoodii xujo ula tagaan oo yiraahdaan” Illaa shayga uu hebel wato oo kale la ii soo gado iskoolka ma aadayo” Waalidiintii la xujeeyay weey u fulisaa dalabkii caruurta, Ama waxay u keeneen shay kale oo ka duwan kaasoo uu isna markiisii ku faano ardaygii loo soo iibiyay.


Banooni ama kubbad ayaa mid loo soo gadayaa, Qaarkuu rabo ayuu dheelsiinayaa, kii uu rabana wuu u diidayaa asoo ku xujeyanaya "Banoonigayga ha iga taaban” Kii loo diiday kubbada ayaa qayla dhaan kula dhax dhacayo reerkiisii, Hooyada oo calooljilicsan ayaa aalaa u samayso dalabkiisa, markaasuu falaa isla kii hore waxii uu falay oo kale.

Mid ka mid ah carruurta ayaa waxuu leeyahay walaalo waawayn, Carruurtii kale ayuu leeyahay "Adinka hebel/heblaayo oo kale
ma lihidiin” Anagaa idinka fiican, markaasuu kii la foorjeeyay sheegtaa Walaalo-Adeer dhalay oo magaalo kale dagan.

Aalaaba ilmaha waa waxii yaraantooda lagu barbaariyo, badanaa waxay jecelyihiin raashinka dibada ka yimaado, Sida Baasto Makaroonada I.W.M, sidoo kale wey isugu faanaan inagaa idinka lacag badan,Annaga Baastaan ku qadeynay,Taasoo cunugii lagu yiri saamayn ku samayso heer uu su’aalo badan waalidkiisii ula tago.

Carruurta marka la isku dirayo, dhulka ayaa loogu xariiqaa laba xariiq, Waxaa lagu yiraahdaa,hebel xariiqan waa hooyadaa,Adna hebel xariiqan waa hooyadaa, Kiinii hortiro ayaa geesi ah, Markaasaa lagu kala hormaraa tirtirida waxii ciida ku dulqornaa, Kii lagala hormaray ayaa isagana feerka kala hormara kii kale oo sidaas baa jugta la isaga galiyaa, Iyadoo sidaa la isku haaysto, ayuu ruux wayn ku soo baxaa , markuu kala celiyo ayuu waydiiyaa sababta la isku dagaalay, markaasey ku doodaan hooyadeey buu tiray, Oo hooyadaa ma qadd loox ku qoranbaa?

Marki eey yara weynaadaan ayeey isla barmajkii guri iyo tigaad ku faanka ahaa, u badalaan Qabiil iyo reer laga dhaadhacsiiyay, heer aad arkayso rag waawayn oo geed la hoos fadhiyo, anagaa idinka balaaya badan, Annagaa idinka hub badan iyo Annagaa idinka laandheereysan.

Ganacsatada waawayn ayaa iyaguna isla sidii ku dhaqaaqa, Nin baa sar dhowr dabaq ah dhisanayo, Markaasuu kale isla Engineerkii dhisay leeyahay Anna ii dhis, Markii la dhameeyo dhismaha, Ayaa sartii danbe loo bixinayaa”Kaama Liito” oo micnaheeda aad iga badisaan.

Gumaystaha oo aad ula socday dhaqamada caruurtan, Ayeey taasi fursad u noqotay, Waxuuna u kala qaybiyay Soomaalida shan qaybood. Soomaali Galbeed Jabuuti, Somali NFD, iyadoo ey taagantahay, Ayaa waxaa soo baxay wax la yiraahdo” Walanwayn Iyo Qaldaan”

Dabadeed Waxaan la maqlay "Somaliland” Waa isla dabeecadihii carruurnimadee, Ilmihii waxeey reerkoodii ka dalbeen in loo soo iibiyo ama loo sameeyo Shayga Land la yirahdo oo hebel loo keenay, Markaasaa Waxaa ka daba yeertay”Puntland” iyo Jubbaland” Carruurtii kalena waxa ay maalmo kadib sameysteen laand-yaal kale, Haddii kale fasalada uma dareerayaan.

Shaydaankii gumaystaha ahaa, ayaa mar labaad halkaasi ka helay, Koorno eey iyagu u salaxeen, Markaasuu teesta kaga dhaliyay wax la yiraahdo, Federaal. Isla dabeecadahii Carruurnimada ayaan ku dhaxjirnaaye, Amin arts oo isku dirayo, laba meel ku kala calaamadeynayo, Puntland ama Somaliland, markaasaa waxii maalintaas afkooda ka baxo la yaabayaa ilayn waa hooyadii oo la tiraye!.

Sidoo kale Puntdland haddii ruux wax ka sheego, Reer puntland maalintaas dhiiga ayaa ku karayo, Haddii eey aqoonsan waayaan ruuxa ku qladamay Landta uu wato, Waxeey kula dul dhacaan Muqdisho ilayn iyadaa ah hooyada ilmahee. Reer Banaadir lana sidoo kale, Ayeey u miisaan Cidii loo xariiqo.


Saciid Muuse Axmad (Ustaadka)

Maxaa yaab isdabayaal
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...