Mustaqbalkeena si maangal ah ma uga talinaa?.

0
Tuesday November 29, 2022 - 11:54:01 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 618
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mustaqbalkeena si maangal ah ma uga talinaa?.

    Tusaale ahaan waa in shaqsiga la dooranayaa uu leeyahay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Tusaale ahaan waa in shaqsiga la dooranayaa uu leeyahay



Waxa ifo-faalaheeda iyo saadaasheedu muuqtaa in ay dhawaan shacabka reer Somaliland hor iman doonto fursad iyo jaanis dahabi ah oo haddii aynu si maangal ah uga faa'iidaysano, ibo-fur iyo bilow fiican u noqon karta jid cusub iyo jaho cusub oo aynu geediga u rarno. Waa se hadii ay waayo-aragnimo iyo garaad innoo kordheene.



Sideedaba marka la dooranayo hogaamiye hadaf iyo himilo ummadeed xambaari kara, sidoo kalena ka midho dhalin kara yoolalka iyo ujeedooyinka ay shacabku higsanayaan, waxa jira hal-beegyo iyo min-qiyaasyo ay daruuri tahay in loo eego cidda la dooranayo.


Tusaale ahaan waa in shaqsiga la dooranayaa uu leeyahay astaamahan iyo sifooyinkan soo socda:- 1: daacadnimo (honesty) 2: aragti fog (vision) 3: karti (competence) 4: caqli badan (intelligence) 5: kasbasho (inspiration). haddii se hal-beeggu yahay waa reerma, ama waa markeenii, xaalku waa reerba'oow yaa ku leh.


Waxa kale oo qofka xilka ummadda u hanqal-taagaya lagu qiimeyn karaa, hadba sida uu xog-ogaal ugu yahay, dhibaatooyinka iyo duruufaha ay la-ladgamayaan bulshada uu codkeeda doonayaa. Iyadoo arrintaana lagu ogaan karo, hadba sida farshaxannimada iyo xeel-dheerida leh ee uu u tilmaamo ama uu u iftiimiyo xaaladaha nololeed ee bulshadiisu la dhutinayso.

Qofka xilka ummadda u guclaynayaa, waa in uu soo bandhigaa qorsheyaal cad-cad iyo daraasado si cilmiyaysan loo soo lafo-guray, islamarkaana ka turjumaya baahiyaha dhaqan-dhaqaale iyo siyaasadeed ee bulshadu la tiicayso, isagoo waliba farta ku fiiqaya dhabaha iyo jidka uu doonaya in uu bulshada horumar ku gaadhsiiyo.


Shacabka Somaliland waxa maanta ugu adag ee ay la xarbiyayaan waa adeegyada bulshada oo si weyn ugu qaaliyoobay, sida caafimaadka, waxbarashada, biyaha, laydhka iyo dhulkii ay dagi-la haayeen oo aanay isna awoodi karin in ay iibsadaan, iyadoo dakhliga qofka Somalilander-ka ah soo galana lagu qiyaaso cel-celis ahaan $2.5 maalintii.


Hadaba inta aynu caqli iyo garasho iska baadh-baadhno, islamarkaana qabyaaladda iyo tolaayeeyda inna daashatay iska deyno, bal-inta maanta inna hortaagan uun si maangal ah mow kala xulanaa?.




AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...