Muuse Biixi Oo Lagu Eedeeyay In Uu Faro-gelin Ku Sameeyay Komishanka Doorashooyinka
YAA DIIDAN DOORASHO LA
ISLA OGOL YAGAY EEN AHAY MUUSE BIIXI?
W/Q: Siyaasi Cali
Guray.
"Maaha markii ugu
horaysay xisbiga WADDANI in aanu diidanay "doorasho la isla ogol yahay”, sida
ay masuuliyiinta xisbigu mar hore cadeeyeen maantana uu ku celiyay Gudoomiye
xigeenkiisu Muj. Xamarji.
Waynu ognahay
Somaliland doorasho aan heshiis lagu ahayn weligees hore ugamay dhicin hadana kama dhacayso.
Doorashada waxaynu u
samaysannay haya’d madaxbanaan oo la yidhaa Komishanka Doorashada yaa ka
horyimi ee farogeliya ee aan ogolayn madabanaanifooda? Ma xisbiyada mucaaridka?
Hadii aynu Ilaahay ka baqayno ka diiday ee farogeliyay ee ilaa hadda aan
ogolayn qorshihii ay soo dhigeen markii ay arkeen in doorashadii madaxtooyada
ee hawsheeda ay kala wareegeen komishankii hore aanay ku qaban karin
wakhtigeedii (13 November) balse ay u baahan yihiin muddo 9 bilood ah.
Saamilaydii doorashada waxa diiday oo keliya Muuse Biixi iyo xisbigiisa uu
isagu masuulka ka yahay.
Maalintii la
dhaarinayay xubnihii dambe ee Komishanka doorashada waxaynu arkaynay Muuse amar
ku siinaya ” marka hore waxa qabanaysaa doorashada Ururada, sadexda xisbi ee
soo baxa ayaa doorashada madaxtooyada geli doona. Taasi farogelin cad saw maaha
iyo xadgudub uu ku sameeyay madaxbanaanidii komishanka. Nasiib wanaag
Komishanku hawsgoodii ayuun bay sidii sharcigu farayay u wateen waxanay isku
koobeen soorashadii Xeer Lam. 91 uu ku waajibinayay ee Madaxtooyada.
Doorashadan ururadu ama
ha ka horayso ama ha ka dambayso ta madaxtooyada eh horta saw may haboonayn in
marka hore la dhanaystiro shaciyadeeda? Taasina cidda diiday ilaa hadaba diidan
ee aan ahayn Muuse Biixi waa ayo?
Waxaynu og nahay
labadii doorasho ee dastuuriga ahaa ay labaduba muddo dhaaf yihiin. Wuxu ku
wadaa Muuse in uu ku simo xisbiyadana 26 December si uu u buriyo muddada
shahaadadaha markaa doorashada ururada iyo xisbiyaduna ay muddo dhaaf u noqdaan
ee Ninkaasi ma u socdaa in Somaliland doorasho la isla ogol yahay ka qabsoonto.
Maya wuxu ku talogalay ayay u muuqataa in Somaliland la meeraysto wax doorasho
ahina ka qabsoomin isaguna kursiga inta uu doono iskaga fadhiyo eh taasi dan ma
u tahay Somaliland? Maya isaga iyo Somaliland midna dan uma aha. Wax ka yar
qarandumisnimo oo lagu sheegi karaana ma jirto". W/Q: Siyaasi Cali Guray.