ERdogan Oo Si Adag Uga Jawaabay Su'aal Laga Waydiyay Biden Iyo Putin

0
Tuesday November 29, 2022 - 09:12:28 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1033
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    ERdogan Oo Si Adag Uga Jawaabay Su'aal Laga Waydiyay Biden Iyo Putin

    "Waxaan si fiican u fahamsanahay fariimaha ay bixiyaan weerarradan oo kale"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Waxaan si fiican u fahamsanahay fariimaha ay bixiyaan weerarradan oo kale"

 


Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa shir jaraa’id oo uu qabtay kaga hadlay qarixii dhawaan ka dhacay magaalada Istanbul ee dalkiisa.

 

Isagoo ka hadlaya weerarkii qaraxii ka dhacay wadada Istiklal ee Istanbul 13-kii  bishaan November, wuxuu yiri, "Waxaan si fiican u fahamsanahay fariimaha ay bixiyaan weerarradan oo kale, waxaana tusineynaa jawaabta aan ka bixinno." Isaga oo hadalkiisa sii wata ayuu Erdogan raaciyay "In aan qaadno tallaabooyin ku saabsan amniga dalkeenna iyo dadkeenna, cidna fasax ugama qaadanno, uma dulqaadanno munaafaqnimada kuwa taageera ururka argagixisada,”

 

"Qofna ma awoodo inuu dalkeenna ku qasbo mansabyo liddi ku ah danahooda gaarka ah ee dhinacyada siyaasadda, diblomaasiyadda, dhaqaalaha iyo ciidamada,” ayuu yiri madaxweyne Erdogan. Mar uu ka hadlayay howgallo ammaanka looga

 

"Qofna waa in aan lagu khalkhalgelin hawlgallada militari ee Turkiga ee looga gol leeyahay in lagu ballaariyo amniga iyo nabadda."

Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa saaka ku warantay in Turkigu "u baahan yahay dhawr maalmood oo kaliya” si ay suurtogal u noqoto hawlgal dhulka ah oo laga sameeyo waqooyiga Suuriya, go’aankan ayaana yimid kadib shir golaha wasiirada ay yeesheen oo looga hadlayay xaaladda amniga.

 

Sida laga soo xigtay warbixinta, sarkaal sare oo aan magaciisa la sheegin lana hadlay wakaaladda wararka ee Reuters "Ciidanka Qalabka Sida ee Turkiga waxay u baahan yihiin maalmo yar oo kaliya si diyaar garow buuxa u sameeyaan,”. Sarkaalkan ayaa xusay in mintidiinta xulafada la’ ah  Turkiga ee Suuriya [Free Syrian Army] ay diyaar u yihiin hawlgalkan oo kale dhowr maalmood ka dib qaraxii 13-kii November.

 

 Mas’uulkan ayaa sheegay, "Howlgalku ma qaadan doono waqti dheer inuu bilowdo, kaliya waxaa la sugayaa Amarka Madaxweynaha.".

 

Saraakiisha Turkiga oo la hadlay wakaaladaha wararka caalamiga ah ayaa sheegay in howlgallo dhanka cirka ah uu Turkigu ka fuliyay waqooyiga Suuriya todobaadkii hore. Saraakiisha ayaa sheegay in wada shaqeyn kooban ay yeesheen Mareykanka iyo Ruushka gaarahaan isticmaalka hawada Suuriya.

Sidoo kale todobaadkii hore, Madaxweyne Recep Tayyip Erdoğan, markii uu ka soo laabtay xafladda furitaanka Koobka Adduunka ee 2022 ee dalka Qadar, ayaa saxafiyiinta diyaaradda la socday waxay weydiiyeen in uu kala hadlay hawlgalkaas Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden iyo Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin, waxaana uu yiri isaga oo su'aasha la wyadiyay ka jawaabayai: " Maxaan kala hadlaynaa hawlgalkan, Mr. Biden? Wax kulan ah oo aanu la yeelanay Mr. Putin ma jiro. Laakin Mr. Biden iyo Mr. Putin labaduba way ogyihiin in aan arrimahan oo kale ka samayn karno gobolkan wakhti kasta."

 

Dhawaan ayay ahayd markii saraakiisha booliiska dalka Turkiga, ay shaaciyeen xog ku saabsan qarixii ka  dhacay Turkiga. Waxay sheegeen in la qabtay dad lagu tuhmayo in falkaas ay ka dambeyeen.

 

Sida laga soo xigtay maamulka Turkiga, waxaa dadkaan la soo qabtay kadib markii la baaray 1200 kaamiradaha wax duuba ah kuwaas oo laga helay xogta sida uu u dhacay weerarku.

 

Waxaana loo xiray dhacadaan 46 qof oo lagu tuhmayo in ay ku lug lahaayen.Su’aalo la weeydiiyay shaqsiyaadkan kadib ayaa waxaa lagu dhawaaqay haweenayda looga shakisan yahay weerarka oo lagu magacaabo Axlam Albashir una dhalatay dalka Suuriya, taasoo lagu qabtay magaalada Küçükçekmece.

 

Sawirrada howlgalkan dadka lagu qabqabtay ayaa waxaa warbaahinta la wadaagay saraakiisha Booliska.

 

Maamulka ayaa shaaciyay in Albashir ay amarka ay ku fulisay weerarka ay soo qaadatay iyadoo joogta magaalada Kobani (Caynu-Carab) ee waqooyiga Suuriya, kadibna ay Turkiga si sharci darro ah ku soo gashay 4 bilood ka hor, iyadoo aadday magaalada Istanbul, halkaas oo ay ka shaqeysay mid ka mid ah goobaha dharka lagu talo.

 

Warka laga soo saaray qarixii dhacay ayaa lagu sheegay in haweenaydan ay ku fadhiistay mid ka mid ah kuraas taallay, halka qaraxu ka dhacay mudd 40 daqiiqo ah. Boorso ayay kaga tagtay halkii ay fariisatay daqiiqado yar kadibna waxaa dhacay qaraxa, iyadoo in cabbaar ah ka sii maqan goobta.

 

Warku wuxuu intaa ku darayaa marka ay goobta ka tagtay in ay aadday Esenler, iyadoo gaari u raacday Küçükçekmece.

 

BBC


Loading...
Loading...