G. Wakiilada Oo Kashifay Qaabka Xukuumada Muuse Shacabka Uga Gurato Lacago Aanu Sharcigu Banayn
Hargeysa, - (HWN)-
Guddida Dabagalka iyo Ilaalinta Hantida Qaranka ee Golaha Wakiillada Somaliland
ayaa fadhigii golaha ee shalay soo hor dhigay warbixin dheer oo daaha ka rogtay
liiska hay’ado iyo wasaarado dawladeed oo umadda ka qaada lacago ay Guddidu ku
sheegeen kuwo aan sharciga dalka meelna kaga jirin taasi oo ay ku baaqeen in si
degdeg ah meesha looga saaro maadaama ay yihiin tacriifado aanay ansixin Golaha
wakiilladu qasnadda dawladdana ku dhicin.
Warbixintan oo ay
Guddidu ku sheegtay Warbixinta Xisaab Xidhka sannadka 2021 ka waxa ku duugan
xogo layaab leh oo ay ku sheegeen lacagaha xaddiga badan ee ay in badan oo ka
mid ah hay’adaha dawladdu ka qaadaan dadweynaha kuwaasi oo aan ahayn kuwo
sharcigu jideeyey oo ah kuwo baal marsan shuruucda lacag qabashada iyo
takaaliifta rasmiga ah. Waxaanay guddidu sheegeen in ay arrintani ka hor
imanayso dastuurka qaranka gaar ahaan qodobkiisa 54aad.
Liiska Hay’adaha
dawladda oo isugu jira Wasaarado iyo laamo dawladeed oo kale ayaa waxa ay ka
kooban yihiin 12 Hay’adood oo dawli ah kuwaasi oo Guddida Dabagalka iyo
Ilaalinta Hantida Qaranka ee Golaha Wakiillada Somaliland ku sheegeen in ay
qaadaan lacago aan sharcigu ogolayn.
Waxa aan haddaba halkan
ku soo qaadan doonaa dhammaanba hay’adahan iyo xaddiga lacagta ah ee ay qaadaan
iyo sababta ay u qaadaan waxaanay kala yihiin sidan:
1. Wasaaradda
Horumarinta Caafimaadka, waxa ay lacag dhan 94,000 ku qaadaan Warqadda
caafimaadka. Sidoo kale waxa ay wasaaraddu Shahaadada dhalashada ku qaaddaa
lacag dhan 100,000 halka ay warqadda Rifeertada ah ka qaadaan 50,000. Warqadda
dalbashada caafimaad dibadeed waxa uu Cisbitaalka weyni ku qaadaa lacag dhan
150,000 oo shilin. Waxa intaa dheer lacagta wasaaraddani ku qaaddo warqadda
baadhitaanka cudurka Covid19.
2. Guddida
Qandaraasyada qaranka waxa ay sheegeen in ay ka qayb galka qandaraasyada ku qaadaan
lacag dhan 300,000.
3. Wasaaradda Arrimaha
Gudaha waxa ay Guddidu sheegtay in ay samaynta ruqsadda hubka fudud ku qaadaan
lacag dhan $25. Samynta Kaadhka lumay waxa ay ku qaadaan 50,000. Samaynta
Kaadhka cusub waxa ay ku qaadaan 150,000.
4. Wasaaradda Gaadiidka
waxa ay samaynta Buugga gaadhiga ee lumay ku qaadaan 100,000. Dublicate
Plate-ka 100,000. Buugga gaadhiga cusub 200,000. Samaynta Liisanka gaarka ah
200,000. Samaynta Liisanka Public-ga ah 200,000. Kala wareejinta Gawaadhida
100,000. Iibinta gawaadhida dawladda $100. Qaadashada Buug iyo Bilaydh cusub
100,000.
5. Wasaaradda
waxbarashada waxa ay guddidu sheegeen in ay qaadaan samaynta shahaadada dugsiga
sare $6. Samaynta shahaadada Dugsiga hoose $6. Tasdiiqinta shahaadada
Jaamacadda $10. Tasdiiqinta shahaadada dugsiga sare $10. Rool Nambarka Dugsiga
sare $8. Rool nambar Dugsiga hoos dhexe $5. Rool nambarka dugsiga saree e
Gaarka loo leeyahay $11. Rool Nambar Dugsiga Hoose dhexe ee gaarka loo leeyahay
$20. Beddelka Ardayda Gobollada $5. Fiiga Dugsiyada Hoose Dhexe ee Dawladda
30,000. Fiiga Dugsiyada saree e Dawladda 120,000.
6. Wasaaradda Ganacsiga
waxa ay qaadaan samaynta Liisanka cusub
200,000. Cusboonaysiinta Liisanka cusub 100,000.
7. Wasaaradda
Qorshaynta Ganaaxa Hay’adaha Liisanku ka dhaco 400,000.
8. Rugta Ganacsiga waxa
ay qaadaan Diiwaan galinta Magaca shirkad Ganacsi 400,000. Diiwaan galinta
Magaca shirkad Ganacsi shaqsi leeyahay 100,000.
9. Laanta Socdaalka
waxa ay qaadaan lacago tusaale ahaan L;acagta File Documents-ka 30,000. Baasaaboorka
shaqaalaha dawladda 84,000. Warqadda shaqo galinta 100,000. Warqadda Go Home ka
ah 100,000.
10. Xeer Ilaalinta
qaranka waxa ay qaadaan Diiwaanka Ganacsiga 100,000. Warqadda Dambi la’aanta
30,000.
11. Wasaaradda Hawlaha
Guud: kormeerka Mashruuc kasta oo dawladeed waxa ay ka qaaddaa 5% qiimaha Guud.
Ruqsadda shirkad dhisme waxa ay ka qaaddaa 400,000.
12. Maxkamadda Gobolka:
Kaalinta kiis qabashada halkii bogba marka kiisku dhammaado 10,000.
Xildhibaan Axmed Cabdi
Ibraahim oo Guddida ka mid ah ayaa sheegay in badiba lacagahaasi aanay ku
dhicin qasnadda dawladda.
Foore


0 





